Wasiirka Maaliyadda XFS, Biixi Iimaan Cige, iyo Wasiirka Beeraha XFS, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa si cad u difaacay Somaliland, iyagoo u jawaabay hadalladii Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi.
Arrintan ayaa muujisay kala qaybsanaan ka dhex jirta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan mowqifka la xiriira Somaliland iyo ictiraafkeeda.
Wasiirro, xildhibaano, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa si adag u dhaliilay xubno ka tirsan xukuumadda iyo haldoorka Muqdisho, kuwaas oo beryahan waday hadallo naceyb iyo hurin colaadeed ah oo ka dhan ah Somaliland.






