https://www.premierbank.so/

Jigjiga:- Mudaharaad lagu Taageerayo Xisbiga Barwaaqada

Dibadbax nabadeed oo lagu taageerayo xisbiga Barwaaqada Itoobiya ee ay ku bahoobeen isbahaysigii EPRDF iyo xisbiyadii deegaanada ee bah-wadaagta la ahaa ayaa subaxnimadii Axadda 16 Febarwari ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida.

Dibadbaxan oo ahaa mid aad u balaadhan kana dhacay garoonka kubada cagta ee magaalada Jigjiga ayaa waxa ka qayb galay madaxwaynaha dawlad deegaanka Soomaalida mudan Mustafe Muxumed Cumar,masuuliyiinta kala duwan ee xukuumadiisa,madaxdhaqameed,odayaal iyo taageerayaal aad u tiro badan oo taabacsan xisbiga Barwaaqada Itoobiya ee ay xisbiyada badan ku bahoobeen.

Ujeedada iyo ahmiyada dibadbaxan balaadhan ee ka dhacay Jigjiga ayaa lagu sheegay in uu yahay in lagu taageero xisbiga dimuqraadiga shacabka ee deegaanka Soomaalida inuu ka mid noqdo xisbiga Barwaaqada madaama oo uu yahay xisbi ka shaqaynaya hirgalinta nidaamka Fadaraalisamka ah,sidoo kalena sugaya xaquuqaha jiritaanka deegaanada iyo qoomiyadaha dalka Itoobiya.

Sidoo kalena dibadbaxan ayaa lagu sheegay in uu muujinayo taageerada ay deegaanka Soomaalid u qabaan in Soomaalidu markii ugu horeysay ay miiska looga taliyo dalka Itoobiya go’aan ku yeelato,iyo waliba in xisbiga Barwaaqada ee deegaanka Soomaalidu uu la halgamayo kooxaha qaba afkaaraha xagjirnimada iyo cunsurinimada ku dhisan, qabyaalad,sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyey waarbaahinta deegaanka Soomaalida.

https://www.premierbank.so/