https://www.premierbank.so/

Ingiriiska oo Joojinaya Taageeradii Ciidamada La-Dagaalanka Argagixisada & Tirada Argagixiso ee Somaliland Qabatay- Wasiirka Arimaha Gudaha

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in Somaliland la deris tahay Wadamo ay kooxaha xagjirka ahi ku badanyihiin, Somalilandna dhib weyn ku hayaan.

Xaflad ka qabsoontay Hargeysa Maalinimada Isniinta 9ka Maarso ayuu Wasiir Maxamed Kaahin hadalkan ka sheegay. Xafladan ayaa Midowga Yurub iyo Somaliland ku kala saxeexdeen Heshiis midowga yurub dib-ugu-habaynayo Garsoorka iyo Booliska Somaliland.

Wasiir Arimaha Gudaha Somaliland ayaa walaac ka muujiyay Xadka dheer ee Somaliland la wadaagto Wadamada Somalia iyo Yaman. Oo uu sheegay in ay yihiin Xarumaha kooxaha Xagjirka ah.

Wasiirka waxa uu intaas ku daray in Somaliland aanay wada-shaqayn amni la lahayn wadanka Somalia, xadkana ay kasoo tallaabaan xubno ka tirsan Kooxaha Argagixisada, amni-darrona ka geystaan gudaha Somaliland.

Wasiir Maxamed Kaahin waxa uu intaas ku daray in labadii bilood ee ugu danbeeyay in Ciidamada Booliska iyo Socdaalka Somaliland ay qabteen Xubno ka tirsan Kooxaha Xagjirka ah oo kasoo tallaabay dhinaca Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Wasiirka waxa uu intaas ku daray in inka badan Boqol Kiis oo Argagixiso ah ay bahda Garsoorku xukumeen oo hadda Jeelasha kujira.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed waxaa kale uu sheegay in ay bishan sadexaad dhamaanayso taageeradii Dawladda Ingiriiska ee Cutubyada Booliska ee sida gaar ah ugu tababaran la-dagaalanka Kooxaha Argagixisada ee loo yaqaano CTU, SPU iyo RRU. Wasiirku waxa uu Midowga Yurub ka codsaday in ay buuxiyaan booskii Ingiriiska, Kafaalana qaataan taageerada Cutubyadaas Booliska ah si aanay hoos ugu dhicin Nabadgelyada Somaliland iyo Nabadgelyada Gobolkuba.

Wasiirka waxa uu hadalkiisa kusoo gunaanaday in Somaliland u taagan sugidda amnigeeda iyo wada-shaqaynta dawladaha Geeska Afrika iyo Beesha Caalamkaba.

https://www.premierbank.so/