https://www.premierbank.so/

Hubka-dhigista Shacabka Laascaanood waa mid waxtar leh – Gudoomiyaha Sool

Hargeysa (CBATV) – Gudoomiyaha Gobolka Sool ee jamhuuriyadda somaliland Mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe Ayaa sheegay in bulshada gobalku ay si aad ah u soo dhoweystay qorshaha hub ka dhigista rayidka ah ee muddooyinkii u dambeeyey ay dawladdu waday. Kaas oo uu ku tilmaamay hawlgal ay ujeedadiisu ahayd in amniga la xoojiyo, isaga oo intaas ku darya in aanay dawladdu qofna amniga uga baydhayn ugana tanaasulayn. Sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye Jiidhe oo arbacada 2 Octobar magaalada Hargeysa kula hadlay talefishankan CODKA BARIGA AFRIKA ayaa sheegay in qorshahaasi uu sababay in dadka rayidka ahi ay hubkii iska dhigeen oo aan maanta jidadka iyo suuqyada magaalada lagu arkayn dadkii marka hore sida caadiga ah hubka u dhex sidan jiray.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey xaaladda guud ee gobalka ayaa sheegay in Sool uu ka duruufo duwan yahay goballada kale ee Somaliland, taas oo ah arrin culayskeeda leh, balse aanay imika jirin xaalad taagan iyo dhaqdhaqaaq dhinaca xuduudka Somaliland iyo Puntland ah oo jira. Isaga oo ka sii hadlayey arrinta amniga gobalkana waxa uu intaas ku daray in intii ka dambaysay 2016 ka aanay gobalka ka jirin wax jabhado ahi.

Dhinaca Kalena Gudoomiyaha Ayaa Kawaramay hawlgalka habaynta qorshaha iyo bilicda magaalada Laascaanood ee muddooyinkii u dambeeyey socday. Kaas oo ay marar kala duwan ka soo baxeen cabashooyin ah in meherado ganacsi oo badan lagu burburiyey. Arrintaas oo uu ku sheegay in arrintani ay qayb ka ahayd ballaadhinta iyo qurxinta magaalada madaxda gobalka SOOL.

https://www.premierbank.so/