https://www.premierbank.so/

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa shaacisay inay soo dhawaysay natiijada tijaabooyinka hor dhaca ah ee dawada dexamethasone

ee ay soo saareen khuburo u dhashay dalka Ingiriiska oo ay ku tilmaamtau kuwo badbaadin kara dadka la tacaalaya xanuunka COVID19.

Bukaanada naqasku hayo ee ku neefsanaya qalabka loo yaqaanno ventilators-ka ayaa la sheegay inay dhimashadooda hoos u dhacday saddex meeloodow meel, halka ssidoo kale bukaanada u baahnaa Oxygen-ka ayaa tiradooda hoos u dhacday shan meeloodow meel kaddib markii dawadan lagu tijaabiyay sida lagu sheegay natiijada hordhaca ah eel ala wadaagay WHO.

Hay’adda WHO ayaa qoraal ah soo saartay waxay ku sheegtay in daawadan lagu tijaabiyey dadka uu ragaadiyey xanuunku,balse aan lagu tijaabin dadka xanuunkoodu fudud yahay ee aanu wali wiiqmin difaaca jidhkoodu.  Agaasimaha hay’adda WHO ayaa qoraalkiisa ku sheegay

in uu u hambalyaynayo dawladda Ingiriiska, jaamacadda Oxford, iyo cusbitaalada so biiriyey horumar aqooneed oo ah mid badbaadin karta nafaha bini’aadamka.

Daawadan oo lagu magacaabo Dheksamasathoon waxay kamid tahay daawooyin la isticmaalayay ilaa 1960-kii,kuwaas oo yareeya caabuqyada dhasha xaaladaha kala duwan iyo isku dhaxyaaca ku dhasha unugyada jidhka ama xanuunka Kansar qaaarkii. Waxaana ay hay’adda WHO ay shaacisay in daawadani ay ugu liis garaysnayd daawooyinka muhiimka ah ilaa 1977-kii. Waxaan aay shaacisay in wakhtigan la iibsan karo daawoyinkaasi.

Cilmi-baadheyaasha ayaa sheegay in haddii dawadan la isticmaali lahaa markii ugu horreysay ee uu fayraska gaaray UK ay badbaadin kari lahayd nolosha dad gaaraya 5,000 oo hadda geeriyooday

https://www.premierbank.so/