https://www.premierbank.so/

Hay’adda Anshaxa iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa dawladda Fadaraalka ah ee Itoobiya ayaa madaxda ugu sareeya dawladda Itoobiya usoo jeedisay inay cadeeyaan islamarkaana diiwaangaliyaan hantidooda shakhsiga ah

iyo Meesha ay kasoo gashay ka hor dhamaadka sanad xisaabeedka.

Hay’adda nla dagaalanka musuq-maasuqa Itoobiya waxay masuuliyiinta u qabatay inay hantidooda kusoo diiwaangaliyaan ilaa 7 bisha July. Madaxda iyo masuuliyiinta hantidooda shakhsiga ah la diiwaangalinayo waxa ku jira raysal wasaaraha, madaxwaynaha, afhayeenka baarlamaanka, golaha wasiirada, saraakiisha ciidamada iyo madaxda kale ee digreeto ku magacaaban oo uu ku jiro xitaa duqa magaalada Diridhaba.

Madaxdan hantidooda la diiwaangalinayo waxa loogu baaqaay inay la shaqeeyaan guddiyada loo xil saaray shaqadan, sidoo kalena ay ku qoraan diiwaanka hantidooda magaciisa ama magaca xubno kamid ah qoyskiisa.

War qoraal ah oo ay gudigu soo saareen ayay ku sheegeen in baaqoodaasi ay jiraan masuuliyiin badan oo si dhakhso ah uga soo jawaabay, halka kuwo kalena ilaa hadda aanay dhag jalaq u siinin islamrkaana aanay cag soo dhigin xafiisyadooda.

Warbixintan oo uu daabacay wargeyska Itoobiyaan Reporter ayaa ugu danbayn waxa lagu sheegay in guddigani ay arrintan ku sababeeyeen in laga hortago Itoobiyana laga sifeeyo falalka musuq-maasuqa ah iyo waliba in la wada ogaado hantida masuliyinta iyo waxa dheeraadka ah halka ay kasoo galeen si daah furnaan ah.

Ballanqaadyadii Raysal wasaaraha itoobiya markii uu xilka raysal wasaaraha Itoobiya la wareegay waxa kamid ahaa in xukuumadiisu ay dagaal adag la gali doonto musuq-maasuqa iyo falalka is dabamarinta ah ciddii lagu qabtona sharciga lala tiigsan doono

https://www.premierbank.so/