https://www.premierbank.so/

Hargeysa – Axad, 21 Sebtembar 2025 – Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ku yeeshay xarunta Golaha fadhigii 21aad ee Kalfadhiga 12aad.

Fadhigan oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa waxa Golaha warbixin ka siiyay Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Mudane Muuse Yuusuf Cismaan (Idigaa). Warbixintiisa ayuu si qoto dheer ugu faaqiday Xisaab-xidhka sannadka 2023, isagoo sidoo kale soo bandhigay in Cali Sh. Maxamed Axmed (Cali Bilyan) uu bixiyo faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta xisaab-xidhkaas.

Sidoo kale, intii uu fadhigu socday, Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan (Xeer Lr. 71/2024).