https://www.premierbank.so/

Hantidhawraha Guud ee Soomaaliya ayaa soosaaray Musuqmaasuq gaadhaya 20 Milyan oo doolar

Hantidhawraha guud ee Soomaaliya ayaa warbixin uu soo saaray arbacadii 9-ka Oktoobar waxa uu xukuumadda ku eedeeyey in qabo ka mid ah deeqaha dalka soo gaadha ay ku maamusho nidaamka xisaabeed ee dalka bannaankiisa, iyo in qaar ka mid ah wasiirrada xukuumaddu aanay weli dhammaystirin xisaab xidhkii sannadkii hore.

Warbixinta ka soo baxday Hantidhawraha guud ayaa sheegaysa in xukuumaddu aanay khasnadda qaranka ee bangiga dhexe marin 18 Milyan oo doolar oo ay Midowga Yurub, Boqortooyada Sucuudiga iyo Qaramada Midoobey ku caawiyeen Soomaaliya. Iyada oo lacagaha qaarkoodna la dhigay bangiyo dalka dibaddiisa ah oo aanay hay’adaha ku shaqada leh ee dawladdu si buuxda u maamuli karin.

Warbixinta xeerilaaliyaha guud waxaa lagu sheegay in Dalka Turkigu uu Soomaaliya ku caawiyey 20 Milyan oo doolar oo caddaan ah, laakiin lacagtaas sida loo isticmaalay aan loo samayn hantidhawr madaxbannaan. Iyada oo ay jirto cabsi ah in caawimo ka yimi Turkiga aan si dhammaystiran waqtigii saxda ahaa loogu xarayn khasnadda dawladda

Warbixinta hantidhawraha guud ee Soomaaliya ayaa sida oo kale dhaliisay nidaamka xisaabeed iyo maamul maaliyadeed ee la mariyo qalabka ay ka mid yihiin gaadiidka, hubka iyo labbiska ciidamada Soomaaliay ee dagaalka kaga jira jiidaha hore.

Waxa kale oo warbixinta hantidhawrka lagu sheegay in qaybo ka mid ah raashinka ciidamada la siiyey ee lagu soo iibiye qandaraasyada dawladda bixisaa uu ahaa raashin waqtigiisu dhacay, iyo in aanay weli caddayn tirada rasmiga ah ee ciidamada Soomaaliya.

Dhaliilaha uu hantidhawraha guud soo jeediyey ayaa yimi xilli ay Soomaaliya dadaal ug ujirto wanaajinta nidaamka maamulka maaliyadeed ee dalka, baanka adduunka iyo dalal kale oo waaweynina ay kala shaqaynayaan in laga cafiyo deynta 4.6 Bilyan gaadhaysa ee tobannaanka sano lagu lahaa Soomaaliya.

Deynta cafinta ayaa ah tallaabo Soomaaliya ka caawin doonta in ay marin iyo galaangal u hesho hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah iyo dawladaha adduunka oo ay maalgashiyo iyo deymo cusub ka heli karto.