https://www.premierbank.so/

Haayada UNDP Xafiiskeeda Somaliya ayaa Walaac Ka Muujisay Xaalada Xabsiga Somaliland Xiligani oo La Wajahayo Xaalada Xanuunka Covid19 ee Dunida.

Haayada ayaa sheegtay in Dadka ku Jira Xabsiyada ay Khatar ugu Jiraan Halista Cudurka Corona Vires isla markaana ay Jeelashu Yihiin Aag Ku haboon Faafitaanka Khatarta Xanuunka Halista ah ee Covid19.

Haayada Xafiiskeeda Somalia ayaa Qoraal ay ku baahisay barta y ku leedahay tweterka ku Sheegtay in ay Wasaaradda Caddaalada Somaliland ay 12 Ka Mida Xabsiyada Dalka geeyeen Agabka faraxalka  si looga Hortago in uu Xanuunkani ku sii Fido Gudaha Jeelasha Dalka, talaabadaasi oo ah mid hore loo qaaday.

Haayada ayaa Xukumada Somaliland  ugu baaqday in ay Sii Daayaan Dadka u Xidhan Dambiyada Yaryar si looga Baaqsado in uu Xanuunku Dhaco Dadka Maxaabiista ah isla markaana looga Digtoonaado in xabsiyada Somaliland ay noqdaan Kuwa Cidhiidhaya XIligan La Gu Jiro Ka Hortaga iyo la Dagaalanka Xanuunka Aadka u sii Fidiya ee Corona Vires.

Baaqa Haayada UNDP Xafiiskeeda Somaliya ayaa Kusoo Beegmaya Xilli Sanadkan Gudihiisa Madaxwaynaha Somaliland uu Cafis u Fidiyey Laba Goor Maxaabiis kala duwan kuwaasi oo ka mid ahaa Kuwa u xidhan Dambiyada Yaryar,

https://www.premierbank.so/