Gudoomiye Cirro oo Madaxweynaha JSL ku eedeeyey kali-talisnimo & hurinta colaadaha Sanaag
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyey in uu hurinayo colaadaha ka taagan goballada Sanaag iyo in uu majaro habaabinayo taladii dalka.
Gudoomiyaha WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo sabtida 28-ka Sabtembar khudbad dheer ka jeediyey furitaanka shirka golaha dhexe ee xisbiga ayaa madaxwyne Muuse Biixi Cabdi ku dhaliilay in in uu ku fashilmay wax ka qabashada xaalado adag oo uu sheegay in uu dalku ku jiro, iyo in uu la soo baxay dabeecado aan looga baran madaxwaynayaashii Ka horeeyey; oo ay ka mid yihiin la tashi la’aan, keli-talisnimo, tanaasuul la’aan, dulqaad la’aan, iyo xurmayn la’aanta madaxda dhaqanka, siyaasiyiinta, culimada iyo xisbiyada qaranka.
Gudoomiyaha WADDANI waxa uu sheegay in uu si weyn uga soo horjeedo in ay Somaliland ka samaysmaan jabhado, taas oo uu sheegay in sababta ay ku yimaaddeen ay tahay keli talisnimada madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay. waxa aanu madaxweynaha uga digay in uu ku sii socdo dariiqa uu qaaday oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid hore loogu jabay. Isaga oo dhinaca kalana dadka Somaliland ugu baaqay in ay isu taagaan badbaadinta dalka oo uu sheegay in uu waqti adag marayo.
Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu xukuumadda ku eedeeyey in ay waddo qorshe ay ku donayso in nidaamka dhaqaalaha iyo ganacsiga dalkaba loo gacan galiyo koox ka agdhaw madaxwaynaha, taas oo uu ku tilmaamay in ay khatar wayn ku tahay nidaamka ganacsiga suuqa xorta ah, dhaqaalaha iyo waliba amniga dalka. Isaga oo sida oo kale sheegay in xukuumaddu ay ganacsatada yaryar ku soo rogtay cashuuro sharci darro ah oo sabab u noqday in ay xidhmaan meherado ganacsi oo aad u tiro badan.
Guddoomiye Cirro khudbaddiisa dhinacyada badan waxa kale oo uu xukuumadda ugu baaqay in ay fuliso heshiiskii ay la gashay Khaatumo, oo ay ka mid tahay in dib loo furo dastuurka, taas oo uu sheegay in ay tahay habka suurtagelin kara in gogol qudha ay muwaadiniintu ku wada fadhiistaan.
Guddoomiye Cirro waxa uu xukuumadda Somaliland ku dhaliilay in aanay siyaasad cad ka lahayn wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, taasina ay tahay sababta ay laba maalmood oo isku xiga u soo saarayso laba go’aan oo ay midna ku ogolaanayso wadahadallada midna ku diidayso.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xisbiga WADDANI aanu marnaba aqbalayn in xukuumaddu ay ka tallaabsato sharciga iyo dastuurka dalka, sida oo kalana ay ku tumato xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadamaha ee uu dastuurku muwaadin kasta u dammaanad qaaday. Waxa aanu tusaale u soo qaatay xukuumadda oo uu sheegay in ay hal laba sano gudahood xidhay 30 warfidiyeen, iyo muwaadiniin tiro badan oo arrimo siyaasadeed iyo rayigooda oo ay cabbireen loo xidhay.