“Somaliland Oo Mamnuucday Duulimaadyada Transit-ka Ee Maraya Muqdisho”
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL, iyada oo gudanaysa waajibaadka ka saaran ilaalinta amniga muwaadiniinta Somaliland ee safarka ah, si waafaqsan Lifaaqa 17-aad ee Sharciga Caalamiga ah ee ICAO ee Amniga iyo Bad-qabka, waxay go’aamisay in laga bilaabo 1-da December 2025, rakaabka ka dhoofaya Hargeysa ee u socda meel saddexaad, iyo rakaabka ka soo dhoofaya meel saddexaad ee ku soo socda Hargeysa (transit to/from Mogadishu), aan la soo marin karin ama aan la sii marin karin magaalada Muqdisho, sababo la xiriira amniga rakaabka.
Shirkadaha diyaaradaha ayaa lagu amray inay ka saaraan hannaankooda tikidhada duulimaadyada sare ku xusan.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda waxa ka go’an ilaalinta shuruucda caalamiga ah iyo kuwa qaranka ee ku saabsan amniga, bad-qabka, iyo duulimaadyada.






