Dawlada Ghana Oo Bixisay $1.47 Bilyan Deyn Ah Oo Ay Ka Qaadatay Bangiga Adduunka
Dowladda Ghana ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay bixisay deyn lacageed oo dhan $1.47 bilyan oo doollar, taas oo ay si toos ah uga soo amaahatay Bangiga Adduunka, laguna daray lacagihii dulsaarka (ribada) ee saarnaa muddadii ay dayntu furneyd.
Deyntan oo muddo dheer culays ku ahayd dhaqaalaha dalkaas ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika, ayaa la sheegay in ay si gaar ah ula xidhiidhtay maalgelinta iyo horumarinta adeegga korontada, si dalka looga saaro khatar koronto la’aan baahsan.
Wasiirka Maaliyadda Ghana, Cassiel Ato Forson, ayaa sheegay in bixinta lacagtaas ay ahayd arrin lama huraan ah, maadaama ribada sii kordheysay ay halis gelin kartay xasilloonida dhaqaale ee dalka. Waxa uu xusay in deyntu ay ahayd mid Bangiga Adduunka looga amaahday si loo daboolo baahida degdegga ah ee dhanka tamarta.
Wasiir Forson ayaa sidoo kale tilmaamay in billowgii sanadkii 2025, xilligii uu xilka la wareegay Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama, dalka uu wajahayay xaalad aad u adag oo isugu jirtay dhaqaale xumo iyo khatar koronto la’aan, balse dadaallo xooggan kadib, xaaladda maanta ay si weyn uga duwan tahay middaas.
Dhanka kale, dalal badan oo Afrika ah ayaa bilaabay in ay dib u eegaan ku tiirsanaantooda daymaha ribada leh ee Bangiga Adduunka iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah. Dalalkaas ayaa hirgeliyay qorshayaal cusub oo lagu yareynayo kharashaadka korontada, iyaga oo si weyn u maalgeliyay tamarta cadceedda (Solar), dabaysha, iyo habab kale oo tamar nadiif ah.
Khubaro dhaqaale ayaa sheegaya in tallaabada Ghana ay tusaale u noqon karto dalalka kale ee Afrika, kuwaas oo wajahaya culaysyo la mid ah, isla markaana u baahan xal waara oo ka madax bannaan dayn joogto ah iyo dulsaar sii kordhaya






