https://www.premierbank.so/

Garyaqaano laga joojiyay shaqadii difaacadda dadweynaha ee Maxkamadaha Somaliland

Saddex ka mid ah
qareennada ka qaybgalaha dacwadaha ciqaabta guud ee maxkamadaha Somaliland ayaa
sheegay in guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobalka Maroodi jeex uu ku
wargeliyey in shaqada qareennimo laga, kaddib markii uu sidaas amray
guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland.

Saddexda qareen oo
salaasada 1-da Oktoobar warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shaqo joojinta
lagu sameeyey ay la xidhiidho cabasho ay dhowaan kaga deyrinayeen hannaanka uu
u shaqeeyo garsoorka Somaliland. qareennada oo sheegay in sharci ahaan aanu
guddoomiyaha maxkamadda sare awood u lahayn in uu shaqada ka joojiyo qareennada
madaxabannaan, ayaa intaas ku daray in tallaabadan shaqada lagaga joojiyey ay
caddayn u tahay sida uu guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland uu uga
tallaabsanayo nidaamka iyo sharciga garsoorka dalka. Sida ay hadalka u dhigeen.

Qareennadu waxa ay
sheegeen in ay ku shaqeeyaan sharci baarlamaan, sidaa awgeed cidda shaqada ka
joojin kartaa ay tahay guddida anshaxa marinta iyo ruqsad siinta garsoorka, sidaa
agweed aanay garanayn halka ay maxkamadda sare ka soo gashay.

Garyaqaan Daahir
Maxamed Faarax oo ka mid ah qareennada hadlay ayaa sheegay in hore ay walaac
uga muujiyeen hannaanka shaqo ee maxkamadaha oo uu sheegay in dadka ay u
doodayaan ay dhib weyn kala kulmaan. Waxa aanu ka digay in arrintan oo aan
waxba laga qabanin ay cawaaqib xumo ku noqon karto nidaamka garsoor ee dalka.
Waxa aanu madaxweynaha, goleyaasha sharci dejinta iyo xisbiyada mucaaradka u
soo jeediyey in ay hoos u eegaan hannaanka garsoorku u shaqeeyo.

Garyaqaan Cabdirisaaq Ismaaciil oo isaguna ka mid ahaa qareennada shaqada laga joojiyey ayaa sheegay in maxkamadda sare aanay sharci u lahayn in ay shaqada ka joojiso qareennadan, maadaama oo ay yihiin qareenno madaxbannaan oo aan shaqaale dawladeed ahayn.

DAAWO Warbixinta oo dhan

https://www.premierbank.so/