https://www.premierbank.so/

Garoonkii Baladweyne Oo Xidhmay Iyo Wabiga Shabeele Oo Mar Kale Fatahaad Ka Sameeyay Gobolka Hiiraan

Beledweyne – CBATV- Wararka naga soo gaaraya magaalada baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan   ayaa  kusoo  soo waramayaa inuu xirmay garoonkii diyaaradaha Ugaas Khaliif Kadib Roob Xoogan Oo Saacadihii La Soo Dhaafay Halkaasi Ka Da’ay

Goobjoogayaal Ku Sugan Baladweyne  ayaa soo sheegaya in  Gebi ahaan uu xirmay Garoonka diyaaradaha, isla markaana gudaha Garoonka ay buux dhaafiyeen biyihii ka hooray roobka isla markaana aysan jirin  wax shaqo ah oo maanta garoonka ka socota

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Webiga Shabeella uu fatahaad ku sameeyay Xaafado ka tirsan Baladweyne waxaana barakac mar kale ka bilowday Xaafadihii uu ku fatahay Webiga Shabeelle.

Dadka ka abarakacay fatahaada   ayaa la sheegay in qaar kamid ah Guryahooda ay dhex fadhiyaan  biyo badan, kuwaasi oo ka hooray roobabkii saacadihii la soo dhaafay Baladweyne

Si kastaba   Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne ayaa dhowr jeer xirmay, iyadoona ay xusid mudan tahay in kal hore uu sameeyay fatahaadii ka dhacday halkaas iyo roobab hore ee ka da’ay magaaladda baladweyne iyo nawaaxigeeda

https://www.premierbank.so/