Agaasimaha Warfaafinta Iyo Xidhiidhka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa Sheegay In Wafdigii madaxweyne Farmaajo uu hoggaaminayey ee ka qaybgalay shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey uu Caalamka La Wadaageen xaaladda dalka iyo himilada shacbka ee ku aaddan dib u soo celinta dowladnimada iyo dib u dhiska. Sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo intaas ku daray in waftiga Soomaaliya uu dunida u bandhigay mabaadii’da dawladda iyo aragtida shacabka Soomaaliya eek u aaddan arrimaha gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Dhinkaca kalana waxa uu agaasimuhu ka hadlay muhiimadda diblumaasiyadeed ee ay leedahay dhismaha safaaradda Washinton ee ay dawladda Soomaaliya hirgelisay, isaga oo ku tilmaamay tallaabo cusub oo loo qaaday dhinaca horumarka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa Isniinta 30 ka September dib ugu laabtay magaalada muqdisho, kaddib markii uu magaalada new york ee dalka mareykanka kaga soo qayb-galay meertada 74-naad ee golaha guud ee qaramada midoobay.
Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu ka qayb-galay shirar lagaga hadlayey arrimaha Soomaaliya iyo kulan doceedyo kala duwan oo uu la qaatay dhiggiisa dalalka caalamka.






