Farmaajo oo gaadhay Addis Ababa, Saraakiilna dalacsiiyay
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa
khamiista 10-ka Oktoobar gaadhay magaalada Adis-ababa ee xarunta wadanka
Itoobiya, oo uu kaga qaybgalayo shir madaxeedka urur gobaleedka IGAD oo
maalmaha soo socda ka furmi doona dalkaas.
Madaxweynaha iyo waftiga uu hoggaaminayey waxaa garoonka
diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa soo dhoweyn ugu sameeyey raysalwasaaraha dalka Itoobiya
mudane Abiy Axmed.
Dhinkaca kalana madaxweyne Farmaajo ayaa wareegto uu isla
khamiista soo saaray waxa uu talie ku xigeenka ciidanka xoogga dalka ee
Soomaaliya u magacaabay Maxamed Cali Bariise oo uu madaxweynuhu u dallacsiiyey
Sarreeye Guuto.
Waxa kale oo uu madaxweynuhu
sarreeye guuto u dallacsiiyey Cabdixamiid Maxamed Dirir, oo uu isagana u magacaabay
Taliyeha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka.