https://www.premierbank.so/

“Farmaajo Dili Mayno Hadii Uu Noo Yimaado Hargeysa” Gudoomiyaha Guurtida JSL

Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa ka hadlay safarka la hadalhayo maalmahan ee ah in madaxweynaha Federaalka Soomaaliya iyo ra’iisulwasaaraha Federaalka Itoobiya ay ku soosocdaan magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in raysalwasaaraha waddanka Itooobiya, Abiy Ahmed, uu marar badan dawladda Somaliland usoo jeediyay safarkan, balse ay iyagu is-hortaageen. Wuxuu intaa ku daray in aanay dhub u geysanayn hadii uu Farmaajo Hargeysa yimaado iyagoo u arkaya oday Soomaaliyeed oo la socda Raysalwasaare Abiy Axmed.’

Arintani ayaa xaqiijin u ah in uu jiro safar la qorsheeyay oo madaxweynaha Soomaaliya iyo raysalwasaarha Itoobiya ay ku iman karaan magaalada Hargeysa.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan waxa kale oo uu sheegay in Aqoonsiga Somaliland ay hortaganyihiin Carab iyo Somali

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda uu hogaamiyaha ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Daawo Hadalka Gudoomiye Saleebaan:-

“Farmaajo Dili Mayno Hadii Uu Noo Yimaado Hargeysa” Gudoomiyaha Guurtida

“Farmaajo Dili Mayno Hadii Uu Noo Yimaado” Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan waxa kale oo uu sheegay in Aqoonsiga Somaliland ay hortaganyihiin Carab iyo Somali

Posted by Codka Bariga Afrika TV. on Saturday, February 15, 2020

https://www.premierbank.so/