https://www.premierbank.so/

Faadumo Siciid oo eedeysey Siyaasadaha Arimaha Dibadda & Qorshaynta ee Somaliland

Xisbiga Waddani Ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa nasiibdaro wayn ku tilmaamay go’aanka ay xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Barlamaanka Somaliland Ku Taageeraan Inay Ka Qaybgalaan shirka lagu caleemo saarayo madaxwynaha maamul goboleedka Jubaland ee Soomaaliya, kaas oo uu xisbigu ku tilmaamay in ay tahay tallaabo hoos u dhigaysa heerka ay Somaliland joogtay, dhaawcna ku ah doonistii gooni isutaagga ee ay muddada 30 sano ah dagaalka iyo dadaalka adag ugu jirtay.

Xoghayaha Arimaha Dibadda Ee Xisbiga Waddani, Marwo Faadumo Siciid oo sabtida 5-ta Oktobar Magalada Hargeysa kula hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in baarlamaanku uu yahay awooddii ugu sarraysay qarannka, tallaabada ay qaadeenna ay dhabar jab ku tahay qarankaba. iyada oo intaas ku dartay in la is weydiinayo in somaliland ay maamul goboleed tahay oo ay maamul goboleed kale caleema saarkiisa kala qaybgelayso.

Xogahayaha Arimaha Dibada Xisbiga Waddani waxa ay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi ka codsatay in uu joojiyo xubnaha doonaya in ay ka qaybgalaaan shirka lagu caleemo saarayo Madaxwynaha Jubland. Marwo Faadumo Siciid ayaa sidoo kale eedo u soo jeedisay wasaaradaha arimaha dibada iyo qorshaynta qaranka oo ay sheegtay in uu hoos u dhac wayni ku yimi shaqadooda. Iyada oo tusaale u soo qaadatay shirweynihii lagu qabtay muqdisho ee wufuuda caalamka ah isugu timid, oo ay sheegtay in shirkaas u ahaa kuwii hore loogu qaban jiray Magaalada Hargeysa