https://www.premierbank.so/

Dowladaha Kenya iyo Jabuuti ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay ku tartami doonaan Kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay,

kaasi oo la wada sugayo Natiijada kasoo bixi doonta.

Codka ayaa waxaa uu qorshahu yahay inay dhiibtaan 193 waddan oo kamid ah Golaha Ammaanka Qaramada, iyadoona Kenya iyo Jabuuti midka kusoo baxa Codeynta uu kursigaas muhiimka heyn doono sano 2021-2022.

Kenya iyo Jabuuti ayaa midkood waxaa uu bedeli doonaa dalka Koonfur Afrika oo waqtiga ka sii dhamaanaya, waxaana labadaan Dal ay ku biiri doonaan dowladaha ku Cusub Golaha, waxaana kamid ah Mexico, India, iyo midkood Canada/Ireland/Norway.

Dhinaca kale Wargeysa The Africa Report ayaa qoray in Dowladda Kenya ay Jabuuti ka dalbatay inay ka tanaasusho u tartanka kursiga Golaha Ammaanka, hayeeshee Jabuuti ayaa arrintaas iska diiday.

Midowga Afrika ayaa isku raacay in Kenya ay matasho qaaradda, balse dowladda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Codsigaas ku tilmaamtay mid sharci darro ah, isla markaana Kenya ay tartan la geli doonaan.

Tan iyo intii ka horeysay muddo 10 sanno ah waxa dalalka matalaya qaarada Afrika magacaabi jirey Midowga Afrika,balse tadda waxa loo badalay in dalalka danaynaya kursigan inay u tartamaan. Midda kaliya ee dalkaasi uu kusoo bixi karaana waa cod.

 

https://www.premierbank.so/