https://www.premierbank.so/

Diyaarado Dagaal Oo Duqeymo Ka Geystay Deegaano Ka Tirsan Galmudug

Diayaarado dagaal oo ilaa iyo hadda aan la xaqiijin halka laga la yeehay ayaa habeenimadii ay salaasadu soo galaysay 4-ta novenbaer waxa ay duqaymo ka geysteen deegaano hoostaga degmadda xarardheere ee konfurta gobolka mudug

Diyaaraha ayaa la sheegay in ay si gaar ah u Duqeeyeen   Deegaan lagu magacaabo Deeqlo oo hoos taga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug,waxaana dad ku sugan Gobolka Mudug ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa duqeymaha ay fulinayeen Diyaaradahaasi

Weli lama si rasi ah looma oga khasaaraha ka dhashay duqeynta degmada Xarardheere oo ay ku xoogan yihiin Dagaalamayaal Ka Tirsan Ururka  Al-Shabaab,

Dowladda Goboleedka Galmudug oo uu hoostago deegaanka ay duqeyntu ka dhacday Iyo Dowladda Fadaraalka ah ee soomaaliya Iyo Alshabaab kimkoodna wali kama uusan hadlin Duqeymahaan ka dhacay konfurta gobolka mudug

Dabayaaqadii bishii aynu soo dhaafnay ee oktobar ayay sidaan oo kale diyaaradu dagaal duqeyn uga geysteen meel u dhow deegaanka caad oo iska hoostaga degmadda xarar dheere ee konfurta gobolka mudug

https://www.premierbank.so/