https://www.premierbank.so/

Dhakhaatiirta Ku Takhasusay Dhinaca Caafimaadka Aduunka Ayaa Bilaabay Tijaabinta Daawada Cudurka Corona Vires

Oo Saamayntii Ugu Waynayd Ku Yeeshay Dunida Sanadkani 2020.

Saynis Yahanadan Ayaa Bilaabay Meel Marinta Daawada Loo Yaqaan Ibuorofen Ayay Dhakhaatiir Kala Duwan Hada Gudo Galeen Sidii Loogu Tijaabin Lahaa Bukaano Kala Duwan Oo Uu Soo Ritay Xanuunka Safmarka Ah Ee Covid19. Koox Saaynisyhanna Ah Oo Ka Kala Socda Isbitaalka St Thomas Iyo Kings College Ayaa Sheegay Iney Aaminsan Yihiin Dawadan In Lagu Daweyn Karo Dhibaatooyinka Dhinaca Neefsiga Ee Ka Dhasha Covid-19.

Saaynisyahannadu Waxay Sheegeen Iney Rajeeynayaan Dawadan Qiimaheedu Aadka U Yar Yahay Haddii Tijaabadeeda Lagu Guuleysto Ay Bukaannada Kaga Maarmi Karaan Qalabka Ventilatorka Ee Neefsiga Ka Caawiyo Ama Ogsajiinta Siiya.

Tijaabada Ay Sameeyeen Saynisyhannadana Waxay Sheegeen Bukaannada In Dawada Ibuprofen Loo Raaciyo Dawooyinka Caadiga Ee La Siin Jiray.

Tijaabada Ayaa Adeegsaneysa Qaab Gaar Ah Oo Ibuprofen Kaniin Ahaan Looga Isticmaali Karo Si Mustaqbalka Ay Dadku Ugu Helaan Qiima Jaban Oo Ay Ku Iibsan Karaan.

Barafasoor Mitul Mehta, Oo Ka Mid Ah Kooxda Khubrada Ee Ka Socota Kulliyadda King Ee London Wuxuu Sheegay: “Waxaan U Baahannahay Inaan Sameyno Tijaabo Aan Ku Ogaaneyno Caddeymo Ah Natiijadu Iney La Mid Tahay Wixi Aan Fileynay.”

Inta Uu Cudurka Safmarka Uusan Dunida Ka Dillaacin Waxaa Jiray Warar Sheegaya Dawada Ibuprofen Isticmaalkeeda Inay Khatar Ku Keeni Karto, Dadka Leh Calaamadaha Faayraska Ee Fudud.

 

https://www.premierbank.so/