https://www.premierbank.so/

Dawladda Sucuudiga ayaa ogolaatay in maanta oo Axadda si rasmi ah albaabada dib loogu furo Masaajidkii Nabi Muxamed CSW Ee Madiina Al-munawarah,iyada oo la qaadayo talaabooyin taxadir ah.

Masaajidkan oo xidhnaa muddo  74 maalmood ah ayaa dawladda Sucuudigu u xidhay,kadib markii uu xanuunka Coronavirus si xawli ah ugu faafay dalkaasi. Waxaana dawladdu ay sheegtay in albaabo xadidan ay dadku kasoo gali doonaan masaajidka Nabiga hadii ay doonayaan in ay ku tukadaan.

Albaada loo ogolaaday inay raggu kasoo galaan ee dawladdu shaacisay ayaa kala ah albaab Hijrah, albaab quba, albaab boqor Salmaan, Albaab Imaam al Bukhaari, Albaab Boqor Fahad, Albaab Boqor Cabdicasiis, Albaab Makkah halka ay dawladdu shaacisay in wali uu sii xidhnaan Doono albaab Salaam.

 

https://www.premierbank.so/