https://www.premierbank.so/

Dawladda Hindiya ayaa ballan ku qaaday inay awood ciidan oo xooggan ku difaacanayso xadkeeda

kaidb markii dagaal dhex maray ciidamada shiinaha lagaga dilay in ka badan 20 askari Isniinntii todobaadkii hore.

Raysal wasaaraaha dalka Hindiya ayaa sheegay in wakhti xaadirkan aanay jirn ciidamo shisheeye oo ku sugan xadka Hindiya iyo dhulka laga qabsaday toona intii dagaalku socday.

Dagaalkan oo sida la sheegay ahaa mid xooggan hubka noocyadiisa kala duwana la isku. Adeegsaday ayaa waxa ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinacba ah. Shiinaha Ayaan wali isagu wax wara kasoo saarin dagaalka ay la. Galeen ciidamada Hindiya.

Dagaalkan oo ka dhacay xadka lagu magacaabo Himalayan ee labada dal isku hayaan gaar ahaana buurlayda Galwanayaa Hindiya waxay sheegtay in labada dhinacba khasaare nkasoo

gaadhay. Raysal wasaaraha Hindiya oo Jimcihii shacabkiisa kala hadlay telefesshinka dawladda ayaa xusay in ciidamada dalkiisu ay amar ku qabaan inay qaadaan talaabo kast eoo Milateri oo ay ku difaacayaan xuduudaha dalkooda Hindiya.

Labada dal ayaa waxay 1996-kii ay galeen heshiis xadka ay labada dal isku hayaan ka manuucaya hubka iyo waxyaabaha qarxa.

Wararku waxay intaasi ku darayaan dagaalka xadka ku dhexmaray cidamada Hindiya kuwa Shiinaha in lagu dhaawacay ugu yaraan 76 askari oo Hindiya ah.

Warbaahintu waxay sheegeen ciidamada labada dal inuu dagaalka ku dhex maray dhul buuraley ah oo uu badkiisa gaadhayo 4 kun iyo 300 mitir, halka ay ciidamada qaar dagaalka marka uu dhacay ay ku daateen wabiga Galwan oo qabowgiisa eber uu ka hooseeyo.

Dhinaca kalena Dowladda Shiinaha ayaa ku eedeysay ciidamada Hindiya in ay labo jeer ka soo tallaabeen xuduudda, intasi kadibna ay weerareen shaqaale u dhashay Shiinaha oo ku sugnaa nawaaxiga xadkaasi.

Labada dhinac ayaa ku adkaystay inaan wax rasaas ah aysan dhicin. Waxxaana Saraakiisha dalka Hindiya ay meesha ka saareen tirada dagaallamayaasha oo gacmaha ku haysta ulo bir ah iyo dhagaxyo.

Waxaa jiray warbixino sheegaya khasaaraha soo gaaray Shiinaha, balse si rasmi ah looma xaqiijin karo.

 

https://www.premierbank.so/