https://www.premierbank.so/

Dawladda fadaraalka ah ee Itoobiya ayaa iska fogaysay warbixin ay Soo Saartay Hay’adda udooda xaquuqda aadamaha ee Amnesty INternation

In Ciidamada Itoobiya Ay gaysteen falal badan oo ay kamid yihin gubista guryo badan,kufsi, tacadi jidheed iyo waliba inay dileen nin shacab ah oo aan waxba galabsan,islamarkaaa kaliya lagu eedeeyey in telefoonkiisu kusoo dhacay goob dadka laga ururiyey telefoonada.

Dawladda Itoobiya ayaa warbixintaasi ku tilmaamtay mid dhinac ka raran, balse waxay xustay in isbadalada socdaa ay mararka qaarkood sababi karaan dhibaatooyiin. Sidoo kalena dawladda itoobiya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay xoojinta dimuqraadiyada Itoobiya.

Dawladda Itoobiya waxay sheegtay in dhimashada hal qof ay ula mid tahay nafaha dad badan oo go’ay,arrintaasina ay markaste ka hortagayaan,ciidamaduna ay ku amaran yihiin inay ilaaliyaan xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.

Dhinaca kalena xisbiyada mucaaradka ah ee Itoobiya ayaa soo dhaweeyey warbixintan ay soo saartay hay’adda Amnesty. Waxaana ay dawladda Itoobiya ugu baaqeen in arrintaasi foosha xun wax ka qabato si dhakhso ah.

Maaha markii ugu horeysay ee ciidamada Itoobiya sidan oo kale warbixino ay soo saareen hay’adaha u dooda xuquuqda aadumuhu ay ku sheegeen in ay gaysteen tacadiyo ka dhan ah bini’aadamnimo iyo dilal ay u gaysanayaan shacabka muwaadiniinta ah .

https://www.premierbank.so/