https://www.premierbank.so/

Dawlada Jabuuti Waxa ay Shaacisay In Tirada Guud ee Dadka uu ku Dhacay Dalkaasi Xanuunka Safmarka ah ee Covid19 uu Kor u Dhaafay Sadex Kun oo Kiis.

Hawlwadeenada Caafimaadka DAwlada Jabuuti ayaa Sabtidii Sheegay in DIwaan Galintii ugu Dambasay ee Dadka Laga Helay Safmarka Caabuqa Corona ay tahay 280 Kiis oo Cusub kuwaasi oo Kasoo Dhex Baxay baadhis loo Sameeeyey 1109 Qof Kuwaasi oo Dhamaantood La MAriyey Tijaabada Caafimaadka Covid19.

Xogahayaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Jabuuti Dr Saalax Beyta Turaab waxa uu Sido Kale Sheegay in Tirada Dadka u DHintay Xanuunka Corona Vires Guud ahaan Waddanka Jabuuti ay Gaadhay 22 Qof kuwaasi oo dhamaantood la Xaqiijiyey inay uu Geeriyoodeen Xanuunka.

Wax Dhanka kale Kor u kacday Tirada Dadka Kasoo Kabtay Xanuunka Kuwasi oo Gaadhay 1286 Qof oo Xaaladoodu Kusoo Noqotay Sidii Caadiga ahayd Ka Dib Markii ay Kaso Ladnaadeen Xanuunka Corona Vires.

Dawlada Jabuuti ayaa Maalmihii ugu Dambeeyey Kor u Qaaday Tirada Baadhista Dadka Laga eegayo inu Hayo Xanuunka Safmarka ah ee Covid19 ka dib markii ay bateen Tirada Dadka usoo Ridanayo.

Waxaana Dib Loo Furay Goobaha Shaqada iyo Shaqaalaha eee Dawlada Kuwasi oo Laftooda Laga Baadhayo Xanuunka si aayna isku Qaadsiin Shaqsiyaadka isku Xafiiska ah.

Dalkaasi Jabuuti tan iyo Markii u Halkasi ka Dilaacay Xanuunka Covid19 waxa ay Wasaaradda Caafimaadku Sheegtay in baadhis loo Sameeyey   26366 Qof oo Laga Helay Safmarka Xanuunka Tiro Dhan 3194 Qof

https://www.premierbank.so/