Daniel Levy: Aqoonsiga Somaliland waa tallaabo istiraatiiji ah oo Israa’iil iyo Maraykan ka dambeynayaan
Daniel Levy, oo hore u ahaa wada-xaajoodihii nabadda ee Israa’iil, ayaa sheegay in go’aanka ictiraafka Somaliland uu muujinayo hammiga istiraatiijiyadeed ee Israa’iil iyo saaxiibkeeda weyn ee Maraykanka oo dabada ka riixaya.
Levy wuxuu sheegay in helitaanka saaxiib ku yaalla gobol aad u istiraatiiji ah oo u dhow Badda Cas iyo marin-badeedka Bab-al-Mandab ay Israa’iil ka dhigayso xulafo amni oo Maraykanku si gaar ah ugu baahanyahay.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in waxa ugu muhiimsan ay tahay in Israaiil arinkan aanay ka nasan doonin oo aanay aqoonsi keliya ku ekaandoonin,” ayuu Levy u sheegay Al Jazeera. “Waa inaad sii waddaa tallaabooyin kale: diyaarado badan, joogitaan ballaadhan, iyo taageero dheeraad ah. Marka aad gasho ciyaartan, waa inaad miiska ka muuqataa.” Ayuu yidhi Levy.
Levy sidoo kale wuxuu tilmaamay in waqtiga aqoonsigu, 26-kii Diseembar, ahaa mid si xeelad leh loo doortay, maadaama la saxeexay wax yar ka hor kulankii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump 29-kii Diseembar, taas oo muujinaysa in fariin istiraatiiji ah loo dirayay Washington.
Wuxuu sheegay in dardartani ay horseedi karto in dalal kale, oo Maraykanku ku jiro, dib u eegaan mowqifkooda Somaliland.






