Daahfurka Ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha oo Dalka oo Si Rasmi ah Looga Bilaabay.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha, kaasi oo maanta si wada jir ah uga bilaabmay dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka.
Munaasibadda daahfurka ayaa waxa goob joog ka ahaa masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda, sida Agaasimaha Waaxda Talaalka iyo Caafimaadka Carruurta, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodijeex, Madaxa Wacyigelinta, Madaxa Xidhiidhka Gobollada, iyo sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ee la shaqeeya Wasaaradda sida WHO iyo UNICEF.
Ololahan oo socon doona 28-September 2025 ilaa 02-October 2025 ayaa loogu talagalay in lagu gaadho ku dhowaad 900,000 (Sagaal boqol oo kun) oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano, kuwaas oo ku kala nool dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka.
Hawlgalka ayaa waxaa fulinaya 2360 kooxood oo si isku mid ah uga hawlgeli doona guud ahaan dalka, agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa dhammaan shacabka reer Somaliland, gaar ahaan waalidiinta iyo mas’uuliyiinta bulshada, kula dardaarmay in ay si firfircoon uga qaybqaataan Ololahan Talaalka Dabaysha, isaga oo xusay in Ilmo kastaa uu xaq u leeyahay nolol caafimaad qabta.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku waxay shacabka kula dardaarmaysaa in ay si buuxda uga faa’iidaystaan fursadan, iyagoo hubinaya in carruurtooda laga talaalay cudurka dabaysha, si loo xaqiijiyo badqabka iyo caafimaadka ubadka mustaqbalka.






