Congress-ka maraykanka ayaa laga taageerayay Aqoonsiga somaliland
Xildhibaan Chris Smith, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Afrika ee Aqalka Congress-ka Maraykanka, ayaa si cad u soo dhaweeyey tallaabada aqoonsiga Israel, isaga oo Somaliland ku tilmaamay dal dimuqraadi ah oo shaqaynaya, lehna doorashooyin xor ah iyo awoodda madaxtinimo oo loo wareejiyay si nabadeed —taas oo ah tusaale naadir ah oo ka dhex ifaya Geeska Afrika.
Smith wuxuu xusay in goobta istiraatiijiyadeed ee Somaliland iyo Dekedda Berbera ay muhiim u yihiin amniga Maraykanka iyo xasilloonida Badda Cas. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in xidhiidhka dhow ee Somaliland la leedahay Taiwan uu si toos ah uga hortagayo saameynta taban ee Shiinaha ku yeelanayo gobolka, xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha lagu wado inuu booqdo Muqdisho.
“Aqoonsiga Israel ma aha oo keliya arrin diblomaasiyadeed, balse waa farriin cad oo loo dirayo shacabka Somaliland: dadaalkiinna ku aaddan dimuqraadiyadda, nabadda iyo dawladnimo sharci ah wuu midho dhalay, wuxuuna helayaa aqoonsigii uu mudnaa.” Sidaas ayuu bayaankiisa kusoo afmeeray, xildhibaan Smith.
Arrintan ayaa sidoo kale sii xoojinaysa rajada laga qabo in dalal kale, oo uu ku jiro Maraykanka, ay tallaabo la mid ah Israel qaadaan mustaqbalka dhow.






