Caqabadaha haysta E-visa Soomaaliya iyo adduunkii oo walaac ka muujiyay
24kii Saacaadood ee danbeeyay waxaa isbedel weyn ku yimi nidaamkii dalku-galka Soomaaliya ee E-VISA,ha, iyadoo dawlado waaweyn iyo shirkadihii duulimaadyada ay walaac ka muujiyeen.
Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin amni oo culus, kadib markii la xaqiijiyay in weerar internet ah lagu jabsaday nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah ee Soomaaliya, ee loo yaqaan e-Visa.
Warbixinta Safaaradda oo lagu baahiyay mareegtooda ayaa sheegaysa in kooxo aan la garanayn ay si sharci-darro ah u heleen xog muhiim ah oo ay leedahay ugu yaraan 35kun oo qof, oo ay weliba ku jiraan kumannaan muwaadiniin Maraykan ah. Xogta la jebiyay waxaa ka mid ah magacyada, sawirrada, taariikhaha dhalashada, goobaha dhalashada, cinwaanada emailka, xaaladda qoyska iyo xitaa cinwaanada guryaha.
Dhinaca kale, Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si cad uga madax-bannaan nidaamkan, iyadoo sheegtay in ay si buuxda gacanta ugu hayso maamulka hawadeeda, ayna dhowaan hirgelisay nidaam fiise oo u gaar ah. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xalay la xaqiijiyay in mareegtii e-Visa ee Dowladda Federaalka la jabsaday, isla markaana xogtii dadka lagu soo bandhigay baraha qarsoon ee internetka.
Hay’adda duulimaadyada caalamiga ah ee IATA ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in rakaabka u socda Somaliland ay si toos ah fiisaha uga qaadan karaan garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, taas oo hoos u dhigtay ku-tiirsanaanta nidaamyada dibadda.
Sidoo kale, shirkadaha Ethiopian Airlines iyo FlyDubai ayaa joojiyay inay rakaabka reer Somaliland ka dalbadaan e-Visa-da Soomaaliya, taasi oo ka tarjumaysa kala soocidda nidaamyada labada dhinac.
Digniinta Safaaradda Maraykanku waxay muujinaysaa walaaca ay ka qabaan muwaadiniinta iyo weliba masuuliyiintooda tagay Soomaaliya iyo sidoo kale baahida degdegga ah ee loo qabo amniga xogaha dijitaalka ah ee gobolka.






