https://www.premierbank.so/

Boqolaal Dad Ah Ayaa Ka Mudaaharaaday Magaalooyin Ku Yaal Daafaha Lubnaan Habeenkii Labaad Ka

Dib Markii Wax Laga Qaban Wayay Dhibaatada Dhaqaale Ee Wadanka. Lacagta Reer Lubnaan Ayaa Hoos U Dhacday Iyada Oo Lumisay 70% Qiimaheeda Tan Iyo Bishii Oktoobar Markii Ay Mudaaharaadyadu Bilaabeen. Xiisadda Dhaqaaluhu Way Ka Sii Dartay Xilliga Cudurka Coronavirus.

Banaan-Baxyada Ka Socda Caasimadda, Beirut, Iyo Waqooyiga Magaalooyin Kuyaala Dalkaasi Waxaana Dibad Baxayaasha Qaarkood Ay Isticmaalayaan Dhagaxaan Iyo Rasaas Ay Iskaga Difaacayaan Booliska Oo Dadka Mudaharaadaya Ku Kala Dareerinaya Gaasta Dadka Ka Ilmaysiisa Iyo Rasaasta Caaga Ah.

Hoos U Dhaca Rodolka Ayaa U Muuqday Inuu Joojiyay Jimcihii Ka Dib Markii Ay Dawladdu Ku Dhawaaqday In Bangiga Dhexe Uu Bilaabi Doono Inuu Lacag Badan Oo Doollarka Mareykanka Ah Soo Geliyo Suuqa Si Uu U Joojiyo Qaddarka Rodolka. Talaabadan Ayaa Lagu Wadaa Inay Bilaabanto Isniinta. ‘Arintan Ayaa Ku Soo  Beegmaysaa Iyadoo Ay Dawladdu Isu Diyaarinayso Inay Wadahadal La Yeelato Hay’adda Lacagta Adduunka (Imf) Waxaana Ay Rajo Ka Qabta In La Helo Dhaqaale Balaayiin Dollar Ah Oo Lagu Maalgeliyo Si Looga Caawiyo Dib-U-Soo-Kabashada Dhaqaalaha Dalka.

https://www.premierbank.so/