https://www.premierbank.so/

Axmed Madoobe oo garnaqsaday, soona jeediyay Wadahadal

Madaxweynaha
dawladgobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu diyaar u
yahay in uu la fadhiisto dawladda federaalka ah, si wada xaajood iyo is qancin
loogu dhammeeyo khilaafka ka dhexeeya.

Mudane Axmed Madoobe
waxa uu dawladda federaalak Soomaaliya ugu baaqay in miiska wadahadalka la
isugu yimaaddo, si khilaafka loogu xalliyo hab Soomaalinimo ah oo aanay cid
kale ku dhex jirin, Sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo intaas ku daray in dawladdiisu
aanay diidanayn xuquuqda dastuurku siinayo dawladda federaalka.

Laakiin, dhinca kalana
Axmed Madoobe oo eedo kulul u soo jeediyey dawladda federaalku waxa uu ku
dooday in arrimaha gudaha ee Jubalanad iyo doorashooyinkeedu ay yihiin arrimo u
yaalla dawlad-gobaleedkaas oo aanu ka wada hadalkeedu dawladda Federaalka u
furnayn.

Axmed Madoobe waxa uu
dawladda Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay in ay dadaalkii iyo dhaqaalihii
dawladnimo u leexisay arrimo siyaasadeed, taasina ay keentay hoos u dhac amni
iyo in awoodda Alshabaab ay kor uga soo kacdo halkii ay laba sano ka hor
joogtay, isaga oo intaas ku daray in dawladdu ay ciidankii furfurayso, kuna
eedeeyey in hub loo geeyo Alshabaab.

Waxa kale oo uu Axmed
Madoobe dhaliilay shirkii ‘Madasha saxiibbda Soomaaliya’ ee Khamiistii 3-da
Oktoobar lagu soo gabagabeeyey Muqdisho, isaga oo sheegay in ay qalad ahayd in
shirkan lagu soo koobo dawladda federaalka iyo in ay ka maqnaadaan Jubaland iyo
Puntland, halka shirarkii ka horreeyey ay ka wada qaybgeli jireen dawladgobaleedyada,
baarlamaanka iyo qaybaha kala duwan ee dawladdu. Waxa aanu beesha caalamka ku
dhaliilay in aanay si dhab ah u waajahayn runta ka jirta soomaaliya,
tallaabadaas shirka ee ay qaadeenna ay Soomaaliya sii kala fogeynayso. Sida uu
hadalka u dhigay.

Axmed
Madoobe waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya uu kala hadlay, beesha
Caalamkana ku wargeliyoey in uu diyaar u yahay in laga wada shaqeeyo la
dagaallanka Alshabaab, deynta Cafinta oo qof kasta oo Soomaaliya dan u ah iyo
horumarinta waddanka, laakiin jawaabta ay dawladdu ka bixisay soo jeedintiisu
ay noqotay in ay hawada ka xidhay diyaaradihii tegi jiray Kismaayo. Arrintaas
oo uu sheegay in ay u muuqato in la doonayo in Jubaland ay dawlad u gaar ah ku
dhawaaqdo, laakiin aanu sidaas yeelayn. Sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo
intasa ku daray in dawladda federaalku ay la wareegistii maamulka hawada si
qaldan ugu takri fashay, isla markaana ku adkaystay in Jubaland ay xaq u
leedahay in ay ka mid noqoto maamulka hawada Soomaaliya. Axmed Madoobe waxa uu
taageeray isbahaysiga siyaasadeed ee xisbiyada Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh
kaga dhawaaqeen Muqdisho, iyo baaq uu sheegay in lagu doonayo in shirweyne
badbaado qaran la qabto.

https://www.premierbank.so/