Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Casho-Sharaf ku maamuusay Wufuudii SPF
Wasaaradda Ariimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa habeennimadii arbacada 2- Oktoobar casho sharaf iyo munasabad sagootin ah u sameyay qaar ka mid ah wafdiyadii caalamiga ahaa ee ka qayb galay shirka Madasha Islaashiga (SPF) Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.
Qaar ka mid Safiiradda Wadamada saaxiibada
la ah Soomaaliya, sida Turkiga, Masar, Suudaan, Ugaandha, Kenya, Midogya Yurub,
Wakiilka howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya, Wakiilka QM ee Soomaaliya iyo
wufuud kala duwan oo ka hadhay wakiillo ka socday 50-kii dal ee ka qayb-galay
shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka ee magaalada Muqdisho labada
maalmood ka socday.
Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya
danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in kullankaan sagootinga ahaa ee loo
saameyay wafuuda kale duwan ay ujeedadiisu ahayd in dunida la tuso in
Soomaaliya ay tahay dal lagu qaban karo shirarka Caalamiga ah, iyo in
Soomaalidu ay tahay dad ku fiican soo dhaweynta iyo martigelinta.
Wasiir Cawad waxa uu sheegay in haatan ay soomaaliya
ku sugan yihiin Safiiro tiro badan, walina ay sii kordhayaan dalalka
doonaya in ay Soomaaliya xidhiidh diblumaasiyadeed la yeeshaan, madaama oo uu dalku
kasoo kabanayo burburkii. Sida uu hadalka u dhigay