https://www.premierbank.so/

Aljeeriya waxay meel marisay sharci ku dhawaaqaya gumaysigii Faransiiska inuu yahy dambi dowladeed

Baarlamaanka Aljeeriya ayaa 24-kii Diseembar 2025 si aqlabiyad ah u ansixiyay sharci ku dhawaaqaya in gumaysigii Faransiiska ee Aljeeriya uu ahaa dambi dowladeed, isla markaana dalbanaya raalli-gelin rasmi ah iyo magdhow. Kalfadhiga waxaa lagu furay heesta qaranka, waxaana hoggaanka baarlamaanku sheegay in sharcigu caddeynayo in xusuusta taariikheed ee Aljeeriya aan la tirtiri karin ama laga gorgortami karin.

Faransiiska ayaa xukumayay Aljeeriya intii u dhaxaysay 1830 ilaa 1962, waxaana dagaalkii xornimada ee socday sideed sano ku dhintay boqolaal kun oo Aljeeriyaan ah. Sharciga cusub wuxuu si faahfaahsan u taxayaa dambiyo ay ka mid yihiin jirdil, tijaabooyin nukliyeer, iyo boobka khayraadka dalka intii lagu jiray gumaysiga.

Inkasta oo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron hore u qirtay in gumaysigii Aljeeriya ahaa “dambi ka dhan ah bani’aadannimada,” haddana Faransiisku ma bixin raalli-gelin rasmi ah. Sharcigan ma aha mid sharci ahaan ku qasbaya Faransiiska, balse falanqeeyayaashu waxay u arkaan tallaabo siyaasadeed oo culus oo sii xoojinaysa kala fogaanshaha labada dal.

Xidhiidhka Aljeeriya iyo Faransiiska ayaa horeyba u xumaa, gaar ahaan kadib taageerada Faransiiska ee qorshaha Morocco ee Galbeedka Saxaraha, arrimaha socdaalka.
Sharcigan cusub ayaa la rumeysan yahay inuu sii adkeyn doono xiisadda, isla markaana noqon doono farriin cad oo Aljeeriya u dirayso Faransiiska iyo beesha caalamka.