Tababarkan oo ay iska kaashadeen Komishanka Xakamaynta AIDS-ka iyo Jaamacadda Hamuun (Hamuun University), ayaa loo qabtay shaqaalaha qaybta wacyigelinta ee Komishanka. Intii uu socday kulankan aqooneed, waxaa diiradda lagu saaray sidii loo kobcin lahaa aqoonta iyo tayada shaqaalaha.
Xidhitaanka tababarka ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah shaqaalaha ka faa’iidaystay tababarkan iyo maamulka Jaamacadda Hamuun.
Ugu dambayn, Agaasimaha Wacyigelinta ee Komishanka Xakamaynta AIDS-ka, Barkhad Maxamuud Geeddi, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka.