https://www.premierbank.so/

Abaalweyn ayay Jabuuti ku leedahay Soomaaliya – Farmaajo

Madaxweynaha
dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Jabbuuti uu abaal weyn u
galay Soomaaliya. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Jabbuuti ay ahayd halkii
dawladdii ugu horreysay eek u-meel-gaadh ahayd lagu soo dhisay Carta, waxa aanu
uga mahadceliyey dadaal iyo waqti uu sheegay in Jabbuuti ay gelisay sidii ay
Soomaaliay dib cagaheeda ugu istaagi lahayd.

Madaxweynaha ayaa
hadal kooban ka jeediyey munaasabad casho Sharaf ah oo uu habeennimadii
arbacada 10 Oktoobar ku maamuusayey guddoomiyaha BAarlamaanka Jabbuuti Mudane
Maxamed Cali Xaamud oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogay magaalooyinka
Muqdisho iyo Baydhabo oo uu kaga qaybgalay furitaannadii baarlamaannada
dawladda federaalka iyo dawlad-gobaleedkaas.

Munasabadda casho sharafta ah, waxaa sidoo kale ka qaybgalay
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

https://www.premierbank.so/