https://www.premierbank.so/

40 Dhalinyaro ah oo la iskugu guurinayo Galmudug

Madaxa Xukuumadda
dawlad-gobaleedka Galmudug, Shiekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo habeennimadii
khamiista 3-da oktoobar khudbadda ka jeedinayay ka dhacay magaalada guri ceel
kulan lagu taageerayay nabadeynta dadka deegaanada balanbale iyo guriceel ayaa
sheegay in si nabaddu ay u taaba gasho uu isu guurinaayo 20 gabdhood iyo 20
wiil oo ka soo kala jeeda degmooyinka balanbale iyo guri ceel oo muddo badan ay
colaadi ka dhaxaysay.

Sheekh Shaakir waxa uu
sheegay in dhalinyarada uu u guurinayo ee labada beelood ka soo kala jeeda uu u
samayn doono guur-wadareed hal mar wada qabsooma, isla markaana uu dejin doono
tuule u gaar ah oo laga yagleelayo deegaanka u dhexeeya Guri ceel iyo Balanbaalle

dadweynihii
iyo masuuliyiintii munaasabadda ka soo qeyb galay ayaa la sheegay in ay si aad
ay ugu riyaaqeen fikirkaas sheekh shaakhi, waxa aanay isla goobtii ka
ballanqaadeen in ay iyaguna dhankooda ka qaybqaadan doonaan dib u soo celinta
nabada Deegaanada Guri Ceel Iyo Balanbale.

https://www.premierbank.so/