Masar ayaa si adag uga hortimid aqoonsiga iyo jiritaanka Somaliland, Hase yeeshee, doodda Masar waxay dhalisay suโaal weyn oo ku saabsan munaafiqnimadeeda siyaasadeed marka la eego xidhiidhka dhow ee Masar iyo Israaโiilโgaar ahaan heshiisyada gaasta iyo tamarta oo ka badan 30bilyan oo doollar.
Masar iyo Israaโiil waxay wadaagaan heshiisyo istiraatiiji ah oo waaweyn: Sida: gaaska Bariga Badda Mediterranean-ka, dhoofinta Gaasta, iyo iskaashi dhaqaale oo toos ah. Israaiil waxay ka mid tahay ilaha ugu muhiimsan ee Masar ee dhinaca tamarta, Taasina waxay muujinaysaa in Masar si dhab ah ula shaqayso Israaโiil marka ay danteedu ku jirto.
Haddana, isla Masar ayaa diidaysa in Somalilandโoo ah jamhuuriyad leh xasillooni, doorashooyin iyo amniโay yeelato xidhiidh diblomaasiyadeed oo la mid ah kan ay Masar la leedahay Israaโiil. Tani waxay kashifaysaa laba-wejiilenimadeeda: hal dhinac Masar waxay Israaโiil kula macaamishaa dan dhaqaale, dhinaca kalena waxay dal kale ugu dudaysaa xidhiidh la mid ah ka iyadu la leedahay oo kaleโ.
Sababta dhabta ah ee diidmada Masar ma aha wax sharci caalami ah ku fadhiya laakiin; waa dan istiraatiiji ah: waana cabsida saameyn cusub oo Badda Cas ah, iyo Somaliland saamayn ku yeelato isu-dheellitirnaanta awoodda gobolka. Sidaas awgeed, arrintu ma aha mabdaโ iyo islaamnimo Laakiinโwaa dan la xusho cidda loo oggol yahay, cid kalena laga hor istaago.
CBA TV