https://www.premierbank.so/

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐๐š๐ฒ๐›-๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ˆ๐ƒ๐’-๐ค๐š ๐€๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb-galay Xuska Maalinta AIDS-ka Adduunka oo lagu qabtay Hoolka weyn ee Ciidanka Booliska JSL. Madaxweynuhu waxa uu u mahad naqay Komishanka Qaranka ee Xakamaynta Xanuunka HIV/AIDS-ka, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Hayโ€™adaha Caalamka ah ee ka gacan siiyey munaasibadda Xuska 20-aad ee Maalinta AIDS-ka Adduunka.

Madaxweynuhu waxa uu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland u diray farriimo miisaan leh oo ku saabsan ka hortagga iyo wacyigelinta Xanuunka HIV/AIDS, isaga oo shacabka Somaliland ku boorriyay in si wadajir ah loo wajaho Caqabadaha la xidhiidha xanuunkan, isla markaana la badiyo wacyigelinta, si loo yareeyo khataraha, loona kordhiyo fahamka guud ee bulshada ee la xidhiidha Xanuunka HIV/AIDS.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ummadda Somaliland, gaar ahaan dhallinyarada ku dhiirri-geliyey in is-baadhitaanka sannadlaha ah ee caafimaadka qofku uu innoo noqdo dhaqan bulsho, si loo ogaado xaaladda caafimaad ee qofka wakhti hore.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulshada kula dardaarmay in aan la fogeyn oo aan la takoorin dadka walaalaheen ah ee la nool Xanuunka HIV/AIDS, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ay yihiin qayb ka mid ah bulshada, waxana uu yidhi: โ€œNaga mid baad tihiin, waxa aad tihiin walaalahayo.โ€
Madaxweynuhu waxa uu ku baaqay in loo midoobo ka hortagga, wacyigelinta iyo daryeelka bulshada, si loo dhiso qaranka caafimaadkiisu wanaagsan yahay, loona cidhibtiro takoorka iyo fogaynta bulshada la nool Xanuunka HIV/AIDS.
Ka qaybgalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Xuska Maalinta Caalamiga ah ee HIV/AIDS (01.12.2025 waxa ay muujinaysaa mudnaanta uu Madaxweynuhu siinayo caafimaadka shacabka JSL, daryeelka iyo ilaalinta dadka nugul.