https://www.premierbank.so/

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‚๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐‰๐’๐‹ ๐Ž๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ง๐ค๐š ๐—๐š๐ฐ๐š๐š๐๐ฅ๐ž

Maanta ayaa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland kulan muhiim ah la qaadatay daneeyayaasha dhismaha Garoonka Xawaadle. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xidhiidha:

โœ…Ka warqabadka hawlaha dhismaha garoonka iyo heerka ay marayaan.
โœ…Cayimaadda wakhtiga rasmiga ah ee lagu bilaabayo dhismaha iyo shaqada farsamada ee garoonka.
โœ…Kala warqaadashada iyo hubinta wakhtiga imaanshaha roogga garoonka iyo tayadiisa si loo xaqiijiyo waafaqsanaanta heerarka caalamiga ah.
โœ…Dardaaranka ku aaddan ilaalinta bilicda iyo quruxda guud ee dhismaha garoonka.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay xustay muhiimadda ay leedahay dhismaha garoonkani,uuna noqon doono Garoon habeen iyo maalinba lagu ciyaaro insha allah.