๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก ๐ฅ๐ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐๐๐ญ๐ข ๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐๐ก๐๐ง ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐๐๐๐ฒ ๐๐๐๐ซ๐ฅ๐๐ฆ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ฐ๐๐๐๐ง
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay wefti ballaadhan oo oo ka socday Baarlamaanka dalka Sweden iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Xisbiyada wadaagga ku ah talada dalka, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland.
Kulanka Madaxweyne ku-xigeenka waxa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Sweden, Mudane Zakariye Xasan Wacays.
๐๐ฎ๐๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐๐ญ๐ข๐ ๐ ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐๐๐๐ฒ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ฐ๐๐๐๐ง ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐๐ฒ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐๐ก๐๐๐ฒ๐๐๐ง:
- Magnus Oscarsson (MP)
- Mikael Oscarsson (MP)
- Mathias Bengtsson (MP)
- Dan Hovskรคr (MP)
- Annicki Oscarsson (Masuul Xisbi)
- Natalie Oscarsson (Masuul Xisbi),
- Katrin Hovskรคr (Masuul Xisbi)
- Natalie Oscarsson (Masuul Xisbi)
- Mikael Torstensson (Ergayga gaarka ah ee Somaliland ee dalka Sweden) iyo Xaaskiisa Elisabeth Torstensson.
Ujeeddada weftiga ka socday Baarlamaanka dalka Sweden ayaa ahayd in ay u kuur galaan xaaladda Somaliland ee xagga horumarka bulshada, geeddi socodka Dimuqraadiyadda, dardargelinta arrimaha aqoonsiga Somaliland, nabadda, maamul wanaagga, maalgashiga iyo fursadaha iskaashi ee ka dhaxayn kara labada dal, Somaliland iyo Sweden.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa si diirran u soo dhaweeyey Weftiga, isaga oo uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu weftiga ka socday dalka Sweden u sharraxay Sooyaalka Taariikheed ee madax-bannaanida Somaliland, iyo sida ay shacabka Somaliland si aan ka noqosho lahayn ay afti dadweyne ugu goโaansadeen in ay dib ula soo noqdaan madaxbannaanidooda 18 May, 1991, ka dib burburkii iyo khasaarihii ka dhashay midowgii ay ummadda Somaliland la galeen Soomaaliya.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu si qoto dheer u xusay in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudihii dawladnimo ee uu caalamku ku aqoonsan lahaa Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu ku booriyey Dawladda iyo Baarlamaanka dalka Sweden in ay kaalintooda ka qaataan ololaha iyo dhiirrigelinta Aqoonsiga Caalamiga ah ee Somaliland, maadaama ay tahay dawlad u qalanta aqoonsi buuxa, taasoo ku dhisan xasillooni, nabad, iyo nidaam dastuuri ah oo madax-bannaan oo ay Somaliland ku dhaqmaysay muddo 34 sano ah.
๐๐ก๐ข๐ง๐๐๐ ๐ค๐๐ฅ๐, ๐ฅ๐๐๐๐๐ ๐๐ก๐ข๐ง๐๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐๐ฒ ๐ฌ๐ข ๐ ๐๐๐ซ ๐๐ก ๐ฎ๐ ๐ ๐ฐ๐๐๐ ๐ก๐๐๐ฅ๐๐๐ง:
- Fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, sida ballaadhinta Dekedda Berbera, Tamarta la cusboonaysiin karo, Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
- Iskaashiga horumarinta arrimaha bulshada, gaar ahaan caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada.
- Arrimaha biniโaadannimada, iyada oo Madaxweyne ku-xigeenku xusay sida ay Dawladda Somaliland uga goโan tahay ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo daryeelka dadka nugul.
Dhanka weftiga culus ee ka socday dalka Sweden, waxa ay muujiyeen danayn iyo faham qoto dheer oo ku saabsan Qadiyadda Somaliland, iyaga oo JSL ku ammaanay nabadda, xasilloonida iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee dalka ka jira. Weftigu waxa ay ballan qaadeen in ay Baarlamaanka dalka Sweden ka dhex abuuri doonaan dood adag iyo olole ku saabsan xaqa ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay in ay noqoto dal madax-bannaan oo ka tirsan Beesha Caalamka.
Weftigu waxa kale oo ay sheegeen in ay Dawladda dalka Sweden si buuxda ugu boorrin doonaan in ay toos u aqoonsato Somaliland, isla markaana ay taageero buuxda ka gaysato arrimaha horumarka bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka Somaliland.
Gabagabadii, Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga mahad celiyey weftiga booqashadooda iyo danayntooda ku aaddan qadiyadda Somaliland, isaga oo Weftiga ku adkeeyey in aqoonsiga Somaliland uu yahay arrin salka ku haysa caddaalad iyo gar-naqsi ummadeed oo aan la iska indho tiri karin.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu hoosta ka xarriiqay in aqoonsiga Somaliland uu muhimmad weyn u leeyahay nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika oo dhan.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






