๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐๐ฎ๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ข๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ง๐จq๐๐๐ฒ.
0 Comments
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo safar dibadeed ku maqnaa ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday.
Madaxweyne-ku-xigeenka waxa Madaarka Diyaaradaha ee Cigaal ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X. Xasan, Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Cali Xaamud Jibriil, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada JSL,
Agaasimayaal Guud, Guddoomiyeyaasha Gobollada Maroodijeex iyo Togdheer.
Ugu horayn, waxa halkaasi hadal kooban oo soo dhawayn ah ka jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Mudane Xirsi Cali X. Xasan, Gudoomiye ku’xigeenka 2-aad ee ee Golaha Wakiillada, Mudane Cali Xaamud Jibriil.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn uga mahad celiyey soo dhaweynta loo sameeyey.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu Allah SWT ka baryey in uu inaga soo jabiyo Abaaraha adag ee ka jira Gobollada Dalka oo dhan.

