https://www.premierbank.so/

Safiirka dawlada soomaaliya u qabilsan dalka kenya oo ka hadlay xalada ka taagan dalka

Safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsan dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka mid ah Shaqsiyaadka sida weyn ugu dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday markuu hor taggo baarlamaanka Soomaaliya in uu iscasilo.

Tarsan ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta ku sugan tahay xaalad adag oo mudan in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u tanaasulo si looga baaqsado burbur soo gaara Muqdisho.

Tarsan ayaa sido kale  tilmaamay haddii maanta uu Madaxweyne Farmaajo uu u tanaasulo dalka in uu noqon doono halyay ay taariikhdu xusi doonto balse haddii ay taasi dhici weydo in uu qeyb ka noqon doono dhibaatada ka taagan caasimadda.

isaga sheegay  in ciidankii la dhisayay sanadyadii ugu dambeyeey maanta ay kala qeybsameen oo  ay kala taageerayaan Musharaxiinta iyo Madaxweyne Farmaajo ayna tahay Qatar weyn.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii muddo xileedkiiso uu dhamaaday waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo waa weyn iyo iska horimaadyo u dhaxeeyay Ciidanmo ka wada tirsan dowladda dhexe.

https://www.premierbank.so/