https://www.premierbank.so/

Raysal-Wasaaraha Suudaan oo ka Badbaaday Isku-day-dil

Sida ay qortay Wakaalada wararka ee dalka Suudaan ee Suuna ayaa sheegtay in Raysal Wasaraha dalka Suudaan Cabdala Xamdook uu ka badbaaday isku-day dil Subaxnimadii Isniinta ee 9ka Maarso.

Ilaa hadda Ciidamadda Amnigu waxa ay ku fooganyihiin baadhitaan mana ay cadaynin nooca qaraxaasi uu ahaa iyo cidda ka dambaysay toona.

Wararka qaarna ay sheegaya inuu ahaa gaadhi laga soo buxiyay waxyaabaha qarxa ama qarax banbaano oo luugu aasay wadada hareerteeda.

Qaraxan ayaa lala beegsaday kolanyo baabuur ah oo galbinayay Raysal Wasaaraha dalkaasi Suudaan Cabdalle Xamdook kuwaaso oo marayay biriishka koobar ee isku xidha Khartoum iyo Khartoum Baxri, ila hadana lama sheegin qasaaraha dhabta ee ka dhashay qarxaaasi.

Sidoo kale wasiirka warfafinta ee dalka Suudaan ayaa xaqiijiyay inuu raysal wasaare Xamduuk uu la kulmay isu day dil oo ahaa qarax iyo rasaas wada socota halka ay wasaarada arimaha gudha dalkaasi ay gashay xaalad digtoonan oo dagdag, halka safaarada Marykanka ee Magaalada Khartuum ay canbaaraysay isku-daygaas dil ah ee uu ka badbaaday raysal wasaarah dalklaasi SuudaanCabdalla  Xamduuk

Falka noocan ah ayaa noqonaya mid ku cusub dalkaas, kaasi oo aan hore looga aqoon dalkaasi Suudaan.

Raysal waasaraha Suudaan Mudane Xamduuk ayaa bartiisa twittarka ku qoray  baaq uu u jeediyay Shacabka Suudaan uguna baaqay in ay is dajiyaan sidoo kale  xaqiijiyay in uu bedqabo, xaaladiisa caafimaadna ay fiicantahy. Raysalwasaaruhu waxa kale uu sheegay in uu u taaganyahay hirgalinta hadafkii ay ka abuurantay kacdoonkii dadka reer Suudaan ay xilka kaga tuureeen xukuumadi hore ee kali-taliska ahayd.

 

https://www.premierbank.so/