https://www.premierbank.so/

Midoowga Afrika Oo Soomaaliya Usoo Magacaabay Ergay Cusub Oo Ka Shaqaynaya Xal U Helida doorashada

Guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki ayaa u magacaabay Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama inuu noqday Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya  ee qilafku ka taagan yahay ee doorashoyinka

Qoraal uu soo saaray Mousa Faki ayuu ku sheegay in John Mahama uu la shaqeyn doono saamileyda siyaasadda, si loo tanaasul wadar oggol ah oo laga gaaro doorashooyinka.

“Madaxweyne Mahama wuxuu la shaqeyn doonaa daneeyayaasha Soomaalida, si loo gaaro tanaasul la wada oggol yahay oo ku aaddan xal loo dhan yahay oo laga gaarro qabashada doorashooyinka Soomaaliya muddada ugu yar ee ugu macquulsan”ayaa lagu yiri Qoraalka Guddoomiyaha Midowga Afrika.
Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa ugu baaqay daneenayaasha Siyaasadda iyo Beesha Caalamka inay la shaqeeyaan Ergeyga cusub., ayna danaha soomaaliya iyo wanaagga dadka Soomaaliyeed ay ka hor mariyaan wax walbo si xal loo wada dhanyahay looga gaaro khilaaflka doorashada.

John Dramani Mahama ayaa soo noqday Madaxweynaha Ghana 2012 illaa 2017, inta ka horeysay wuxuu soo noqday Madaxweyne kuxigeen, isagoo xilka kala wareegay Madaxweynihii hore Ghana John Atta Milis.

https://www.premierbank.so/