https://www.premierbank.so/

Madaxwayne Farmajo oo Safar ugu Baxay Dalkasi Uganda

Madaxweynaha dowladda fadaraalkaa ah ee soomaaliya maxamed cabdullahi maxamed farmaajo aiyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa manta ku wajahan magaalada Kampala ee Caasimada wadanka Uganda sida ay sheegtay Af-hayeenka Madaxtooyada Uganda Lind Nabusayi.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa dalka ugand uga qeyb galaya Caleema saarka madaxweyne Yuweri Museveni oo dhawaan markale dib loogu doortay madaxweynaha Uganda.

Caleema saarka kadib madaxweynaha soomaaliya maxamed cabdullahi farmaajo ayaa la filayaa in kulmo gaar gaar ah la yeesho madaxda kale ee afrika ee kasoo qeyb galaysa caleema saarka Madaxweynaha Uganda

Warar Soo Baxaya Ayaa Sheegaya in Madaxweyne Farmaajo magaalada Kampala kula kulmayo Madaxweynaha Kenye Uhuru Kenyetta Inkasta Oo Madaxtooyadda Soomaaliya aysan wali arinkaasi ka hadlin.

Wixii warar ah ee kasoo baxa kala soco cbatv.net

https://www.premierbank.so/