Madaxwaynaha Jubaland Axmed Madobe oo Kulan la Qaatay Saraakiil ka Tirsan Cidamada Maraykanka
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay sarakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Soomaaliya, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.
Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo, waxaana Madaxweyne Axmed Madoobe ku wehliyay Taliyaha guud ee ciidamada Jubbaland S/Guuto Maxamed Cabdi Sheekh oo ah taliya guud ee ciidamada Jubaland iyo ku xigeenkiisa gashaanle sare Maxamed Guuleed Xasan.
Qoraalkan oo lagu daabacay barta xidhiidhka bulshada ee madaxtoyada Jubaland ayaa lagu yidhi “Kulankaan waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgallada ka dhanka ah Waxa Loogu Yeero Argagixisada Sidda Lagu Sheegay Qoraal Ay Maadxtooyada Jubaland ay Soo Saartay.
Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM qeybtiisa Soomaaliya ayaa inta badan duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka geysta deegaanada Jubbaland oo kooxdu ay inta badan ku xoogantahay.