https://www.premierbank.so/

Kooxda Daalibaan iyo Ciidamada Malatariga Afgaanistan oo Dagaal ku Dhex Marayo Gobolka Helmand ee Dalkasi

Ciidaamada Militariga Afgaanistaan ayaa dhinac koonfureed ee Gobolka Helmand ee dalkaasi dagaal kula jira kooxda daalibaan, taasi oo weeraro isdaba joogga ka fulinaysay guud ahaan afgaanistaan oo dhan tan iyo markii dawladda Maraykanku ay baal martay heshiiskii ciidan kala bixidda Afgaanistaan oo ku aadanaa labadii bishan aynu guda Jirno.

Gudoomiyaha golaha gobolka Helmand Ayatullah Afgaan ayaa sheegay in kooxda daalibaan ay waarerkeeda bildaw maalinimadii isniinta iyada oo dagaalka kasoo bilawday dhawr jiho oo gobolka ah, waxaana uu gudoomiyuhu sheegay in koxdu ay weeraro ku qaadeen kastamada iyo istabyada magaalooyinka ee ciidanku ku sugan yihiin, iyo waliba nawaaxiga caasimadda gobolka ee Lashkar Gah, iyagoo oo qabsaday meelo badan oo ay weerarka ku qaadeen sida uu gudoomiyuhu sheegay.

Ciidamada Afgaanistan ayaa iyagu bilaabay waarero dhanka cirka iyaga oo sidoo kalana ciidamo kamaandaws ah ku daad gureeyay goobtaasi, waxaana kooxdaasi dib loogu celiyay goobahii ay kasoo duuleen iyada oo wali dagaalku socdo, halkaasina ay ka barakaceen boqolaal ka tirsan qoysaska halkaasi dagan sida uu tilmaamay gudoomiyaha golaha gobolku ee Ayatullah Gaha.

Mid ka mid ah dadka dagan magaalada Lushkar Gah ayaa sheegay in ay caasimadda gobolka ka maqlayeen hubab culculus oo la isu adeegsanaayo iyo waliba dhawaaqa qoryaha yaryar oo si isdaba jooga u dhacaayay, waxaana ninkani uu tilmaamay in dhamaan qoyska uu fadhiisayay koornayaasha gidaarada Guriga isla markaana dhawaaqa rasaastu uu ula muuqday sidii mid ka dhacaya gidaarka gurigiisa ka dambeeye. Sidoo kale qoysaskii awooddayay inay ka qaxaan Meesha ayaa ka cararay halkaasi, iyada qoysaska kalana ay sugayaan in uu dagaalku istaago oo kooxda Daalibaan halkeeda lagu celiyo.

Dhanka kale dagaalka gobolkani ka bilaabay ayaa u muuqda mid jawaab looga dhigaayo ciidamada Maraykanka ee wali kusii sugan Gudaha Afgaanistaan, halkaasi oo gobolkani yahay gobolkii ciidamada Maraykanka iyo kuwa Ingriisku ay dhibaatada kala kulmeen dagaaladii afgaanistaan kaga jireen 20kii sano ee u dambeeyay, waxaana xusid mudan in kooxda daalibaan ay horay u sheegtay inay xoojinayso weerarada ay ka fuliso Afgaanistaan tan iyo inta ciidamada Shisheeye ka baxayaan dhulkeeda.

https://www.premierbank.so/