https://www.premierbank.so/

Hadal Jeedintii Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga WADDANI

“Mahad gaar ah waxaan u celinayaa guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo ah aasaasaha xisbigan Waddani iyo Cabdiqaaddir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ah odayga xisbiga Waddani oo labaduba iga mudnaa xilkan guddoomiyaha Xisbiga Waddani balse fursaddan i siiyay markii ay eegeen danta xisbiga iyo duruufahooda gaarka ah. Hanashada jagada guddoomiyaha xisbigu, marka koowaad waa qaddarka Illaahay iyo doonistiisa. Marka labaadna, wanaag aan idinka shaqaystay ma aha ee waa niyad-samidiina iyo laabfayoobidiinna. Ragannimo aan dadka dheerahay ma aha ee waxay ku timi kal-furaantiinna. in aad fursad heshaa caddayn iyo marag toonna uma aha in aad dadka kale ka fiicantahay balse waxay tilmaamaysaa hoodo badnaan iyo habeen-dhalad. Erayo qudha kuma cabbiri karo maamuuska aad iga mudantihiin waayo waxaad i huwiseen karaamadiinnii iyo haybaddiinnii”
“Halka uu xisbigu maraayo maanta, oo uu noqday kan ugu ballaadhan, Qaddarka Illaahay dabadii, taageerayaasha Waddani ee gudaha iyo dalka debeddiisa iyo intiinna halkan maanta joogta ayaa sabab u ah. Marka labaadna waxaa halkaa soo gaadhsiiyay hawlkarnimada iyo kartida hoggaanka saree ee talada xisbiga hayay oo aan marnaba ka daalin kana caajisin ambqaadka geeddiga loogu jiro ka midhodhalinta rejada shacabka Somaliland. Farxad bay ii tahay in aan ka mid ahaa hoggaankaa toolmoon ee xisbigu u aayay”
“Xaqiiqo ahaan, waxaa igu kellifay in aan hortiinna imaaddo oo isu soo sharraxo guddoomiyaha xisbiga; waa tuhunka aan naftayda ka qabo in aan hoggaanka u qaban karo oo gaadhsiin karo xisbiga bartilmaameedkaa aynu kor ku soo sheegnay iyo beegsiga hiraalka aynu haybsanayno. Waxaan qabaan inaan sii ambaqaadi karo dedaalkii baaxadda weynaa ee guddoomiyihii hore xisbigu uu hoggaamintiisa hufan xisbiga ku soo gaadhsiiyay halka uu manta taaganyahay oo ah meeqaam runtii xisbiga la majeeranayo. Waxaan is leeyahay waxaad leedahay aqoonteedii oo waxaan haystaa saddex shahaado oo ah derajada heerka 2aad ee waxbarashada sare (Master’s Degree), Waxaan leeyahay khibrad maamul oo ka badan 20 sannadood iyo ogaal siyaasadeed oo aan ka yarayn dhawr iyo toban sannadood, iyada oo aan qayb ka ahaa hoggaaminta xisbigan Waddani lixdii sannadood ee ugu danbeeyay, anigoo shan sannadood iyo siyaado kalena, kaalin muuqata kaga jiray xukuumaddii tan ka horaysay.
Intaa waxaa ii dheer khibradda maamul ee aan kaga soo shaqeeyay Komishinka doorashooyinka iyo shirkadaha dalka ugu waaweyn.”
“Waxaan aaminsanahay in aan aqoon ahaan iyo khibrad ahaanba u diyaarsanahay hoggaaminta xisbigan iyo hay’ado ka waaweynba. Waxaan ku faraxsanahay in maanta shirka ay fadhiyaan qoorweyntii xisbiga iyo odayaashii hoggaanka ee aannu soo wada shaqaynay, kuwaas oo ka maragkici kara kartidayda iyo baaxadda awooddayda hoggaamineed taas oo aan filayo in ay suurtogal ka dhigtay dhacdadan maanta ee aad igu doorateen guddoomiyaha xisbiga Waddani.

Waxa marnaba aanan illawsanayn doorkii muhiimka ahaa ee ay labadan oday Cabdiraxmaan Cirro iyo Cabdiqaaddir Jirde ku lahaayeen booska aan xisbiga kaga jiray, talowadaagtii aannu lahayn iyo dhiirrigelinta ay i siiyeen ee igu garab galeen hammigii iga guuxayay.Waana dhiirranida iyo kalsoonida maanta keentay in aan hortiinna imaaddo idinna weydiisto inaad ii doorataan guddoomiyaha xisbiga rejada shacabka ee Waddani. Waan idiinka mahadnaqayaa inaad iga aqbasheen codsigaa, weliba si milgo, maamuus iyo gobannimo muggeed koobsatay”
“Mucaarad ahaan, innaga oorkeennu waa in aynu bulshada la dareen noqono, oo soo bandhigno dayaca xukuumaddu samaysay, u kuurgalno duruufahooda nololeed una soo tebinno sida ugu habboon. Mucaaradku mabda’a ahaan waxay tahay shaqadiisu in uu toosiyo wixii qalloocday, tilmaamo wixii xukuumaddu ka gaabisay, farta ku fiiqno mashaariicda ay ahayd in la qabto ee baaqatay iyo in aynu ku dabagalno Dawladda sida ay wax u maamushay. Ujeeddaduna waxay tahay umadda ayaa loo shaqaynayaa.
Xukuumaddu waa adeege. Wixii ay qabatay waa laga sugayay, wixiise ka baaqday ayaynu kula xisaabtamaynaa, mucaaradkuna waa dheellitiraha Dawladnimadda. Sidaa darteed ayaana Dastuurku xisbiyada uga dhigay tiir ka mid ah qaranka oo muhiim ah”
“Haddii aad ii garateen in aan noqdo guddoomiyaha xisbiga, waxaan idiin ballan qaadayaa in aan idinku hoggaamin doono waxa uu dhigayo xeerka xisbigu, ilaalin doono shuruucda dalka, diyaarin doono qorshayaasha iyo barnaamijyada xisbigu u baahanyahay iyada oo aan heerarka maamul ee kala duwana la yeelan doono talowadaag. Waxaan isku taxallujin doonaa qaadidda tallaabo kasta oo xisbigan waxtar u leh oo sharcigu inoo oggolyahay. Waxaan idiinku shaqayn doonaa si daacadnimo iyo firfircooni leh. Waxaan ku hanweynahay in xisbiga iyo bulshada Somaliland ba ku farxi doonaan natiijada shaqo ee ka dhalata dedaalka iyo isku duubnida aynu dadkeena iyo dalkeena ugu shaqayn doonno”
“Marka aynu dib u milicsanno, dalkan iyo dadkan aynu doonayno in aynu isbeddel ku samayno, waxaa muuqata koritaan la’aan hannaanka dimuquraadiyadda guud ahaan. Hay’adihii Dawladda oo ah qalfoof hoosta ka madhan (fake institutions), caado-dhaqameed xunxun oo culays ku ah Dawladnimadda, qiyamkii bulshada oo dhaawac weyni soo gaadhay, waxaa isaguna aad hoos ugu dhacay dhaqaaleheenii, gaar ahaan xoolihii noolaa ee aynu ku tiirsanayn oo ay halis tahay in ay meeshaba ka baxaan. Hoos u dhaca iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ina haystaa ma aha qiyaastayda ee: warbxinta u dambaysay ee Baanka Adduunka ayaa sheegaysa in dhaqaaleheennu hoos u dhacay, waana xaqiiqo dadkeenna inta badani ay ku noolyihiin duruuf aad u qalafsan”
“Arrinta hoos u dhaca qiyamka bulsho ee innagu habsaay haddaan tusaale idiin soo qaado: Cabdiqaaddir Jirde, dhawaan wuxuu ka tanaasulay musharaxnimadii guddoomiyaha xisbiga oo uu ahaa qofkii ugu mudnaa ee booskaa isu soo taagi lahaa. Waa ninka aad garanaysaan inta uu siyaasadda ku soo jiray. Wuxuu ka midyahay dadkaD astuurka Somaliland ku saxeexan ee tacabka geliyay, waa nin qaran cidiba iskuma khilaafto. Hadii in uun birmageydo siyaasadeed jirto wuxuu noqon lahaa dadka ugu horreeya. Waxaa yaab leh in qaar yidhaahdaan waa lagu iibsaday, lacag baad qaadatay iyo hadallo aad u rakhiis ah, Waxaa meesha ka maqan qiimayntii toolmoonayd ee qofka xilka diida, ka is dhawra iyo kan qarannimada ilaaliya lagu qiimayn lahaa”
“Dunuunuc bukay liqeen
dalqay wax ku eegayaan
dil bay u hamuumayaan
dibnay la haliilayaan” Hadraawi
“Barnaamijka xisbigu wuxuu xambaarsanyahay himilooyinka xisbiga ee ujeeddooyinka dhaw iyo kuwa dheer, anaga oo la kaashanayna xubnaha hoggaanka, fulinta iyo xubnaha kale ee lagama maarmaanka u ah. Waxaan isbeddel iyo kaabis ku samayn doonnaa barnaamijka xisbiga. Diyaarinta iyo qabyatirka dabadiina, waxaan dhisi doonnaa habka isku xidhka qorshayaasha iyo samayta istaraatiijiyadda loo raacayo doorashooyinka, diyaarinta agabka loo baahanyahay iyo farsamooyinka lagama maarmaanka u ah. Waxaana lagama maarmaan ah masuul kasta oo hadlayaa in uu ka dhimbiil qaato barnaamijka xisbiga saldhigna uga dhigo doodihiisa”
“Waxaan xoogga saaridoonaa ka qayb qaadashada wax kasta oo ku saabsan dhismaha dalka, kobcinta xidhiidhka bulshada, isku duubnida, midnimada dalka, xoojinta dhaqaalaha iyo horumarka, ilaalinta dhaqanka suubban iyo diinta, ku dhaqanka shuruucda (rule of law) iyo dhawrista xorriyadaha aasaasiga ah. Xoojinta maamul wanaagga oo ka bilaabanta xisbiga illaa xukuumadda Waddani, annaga oo mudnaanta siin doonna tababarrada iyo kor u qaadidda aqoonta iyo wacyiga ku wajahan xisbinnimada, isla markaana wakhti gelinayna soo saaridda kaadiriin cusub oo xisbiga ah kaas oo u diyaarsan in ay kaalin muhiim ah ka ciyaaraan hannaanka dimuquraadiyadda iyo tartanka Waddani ugu jiro in uu hanto talada dalka kuna hirgeliyo barnaamijkiisa siyaasadeed”
“Xisbiga Waddani wuxuu mar walba la jiraa samaha, deganaanshaha iyo ilaalinta nabadgelyada dalka. Waddani waxa uu ka soo horjeedaa wax kasta oo keenaya khalkhal ama ku lug leh xagjirnimo iyo argagixisanimada. Waxaannu gacan buuxda ka siinaynaa hay’adaha amniga wixii nalooga baahdo. Waddani wuxuu si taxaddir leh ula soconayaa isbeddelada iyo waxyaalaha ka dhacaya gobolka, annaga oo Dawladda ku dhiirrigelinayna xidhiidh wanaagsan oo lala yeesho wadamada jaarka ah iyo macaamil hufan oo aynu la wadaagno wadamada dunida, taas oo fure u noqon karta qadiyadda Somaliland, anaga oo mar kasta u taagan sidii dalkani uga mid noqon lahaa beesha caalamka una heli lahaa aqoonsi buuxa”
“Waxa aan jecelahay in xil-gudashadeennu ku qotonto xaqiiqo, oo dhaliilaha aynu soo bandhigaynaa ay noqdaan qaar la hubiyay ama salka ku haya cilmi baadhis, taas oo soo jiidan karta garwaaqsiga bulshada isla markaana, xujo ku noqon karta xukuumadda, oo qofkii wax saxayana siin karta fursad, waayo; ujeeddadeenu waa toosin iyo in aynu helo taageerada bulshada oo aynu dhankeena soo marinno inta samaha jecel. Arrintaasina waxay keensanaysaa in aan abuuro xafiiska Cilmi-baadhista iyo horumarinta (Research and Development), halkaas oo ay hawlwadeennada xisbigu ka helidoonaan xog ku filan oo ay u adeegsadaan hawlahooda shaqo”
“Dhammaan intiinna siyaasadda u hanqal taagaysa, gaar ahaan dhallinyaradda waxaan leeyahay diyaar baannu idiin nahay hoggaan ahaan. Waxaannu doonaynaa in aannu kula dedaalno, kuuna diyaarinno shaqada aanu kuu dirayno ee adigu ha daalin, hana dayacin masuuliyadda laguu dhiibay. Waar ragga berrito madaxnnimada doonayow, maanta dhaqan madaxeed muuji oo dedaalkeedu ha kaa muuqdo. Halbeeggaagu yaannu noqon sawirrada iyo muuqaallada saxaafadda, balse ha noqdo maxaad fulisay waajibaadkii lagu saaray? Himilladaadii maxaad gaadhay? Madhaxa iyo dhaxalku waa dalka ee maxaad u qabatay?
Aan idin xasuusiyo shanta arimood ee uu tilmaamay Imaamu Shaafici in madaxtinnimada lagu gaadho:

1) Runta oo aad dhaqan ka yeelato 2) Sirta oo aad ilaaliso.
3)Ballanta oo aad oofiso.
4)Dadka oo aad u nasteexayso.
5)Ammaanada oo aad ilaaliso.
Kitaabka, Siyaru-Calaam Anubalaa – Imaamu Dahabi
Aniga oo ku hadlaya afka xisbiga, ka ergada shirka fadhida ee kalsoonidoodii i siiyay iyo guud ahaan Xisbiga Waddani ee masuuliyaddiisii la ii caleemo saaray, waxaan halkan ka soo jeedinayaa qodobbada aannu muhiim u aragnay ee shirweynahani xoogga saaray :

 Waxaannu Dawladda ugu baaqaynaa in la ilaaliyo xasiloonida iyo midnimada Jamhuuriyadda Somaliland.
 Komishinka doorashooyinka qaranka waxaannu ugu baaqaynaa in ay doorashooyinka wakhtigoodii ku qabtaan. Xisbi ahaan, diyaar baannu u nahay in aanu ku garab galno sidii ay shaqadooda u gudan lahaayeen.
 Waxaannu beesha caalamka ugu baaqaynaa in ay xaqdhawraan xuquuqda aayo ka tashiga dadkayaga oo ay garwaaqsadaan rabitaanka bulshada Somaliland ku doonayso madaxbannaani buuxda oo ay kaga mid noqdaan qaramada midoobay.

“Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay noo sabra, waannu ka dhabayn doonnaa rejada aad naga filaysaan e. In sha Allaahu waxaynu gaadhidoonnaa maalmo kuwan ka fiican oo lagu wada badhaadho. Isku duubnaada oo cadawgeenna aan meel uga soo wada jeesanno. Ha ku asqoobina hirdanka siyaasiyiinta ee hadba ka wanaagiinna wada u hiisha, hana ka werwerina mustaqbalka wax wanaagsan ayaa inoo soo socda idam Ilaahe.
Waxaan Ilaahay ka baryayaa in uu kuwa Dawladnimada hayana dhibtooda iyo dhagartooda inaga badbaadiyo, kuwa imandoonana tubta wanaagsan iyo talada khayrka leh in Ilaah ku toosiyo, idilkoodna garansiiyo wixii ay innoogu jirto wanaag adduunyo iyo mid aakhiro ba”
Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay, noo sabra, waanu ka dhabayn doonaa rejada aad naga filaysaane, insha allaahu waynu gaadhidoonaa maalmo kuwan ka fiican, isku duubnaada oo cadawgeena aan meel uga soo wada jeesano, ha ku asqoobina hirdanka siyaasiyiinta ee hadba ka wanaagiina wada u hiisha, hana ka werwerina mustaqbalka wax wanaagsan ayaa inoo soo socda idam Allah. Waxaan ilaahay ka baryayaa in uu kuwa dawladnimada hayana dhibtooda iyo dhagartooda inaga badbaadiyo, kuwa imandoonana tubta wanaagsan iyo talada khayrka leh in ilaah ku toosiyo, idilkoodna garansiiyo wixii ay inoogu jirto wanaaga aduunyo iyo aakhiradeenu.
Ilaahay ayaa mahad leh, aad baad u mahadsantihiin.

Xirsi Cali X. Xasan, Gudoomiyaha Xisbiga Waddani.

https://www.premierbank.so/