https://www.premierbank.so/

Gudoomiyaha Golaha Guurida Somaliland oo Ka Hadlay Colaadaha Ka Tagan Deeganada Shidan Iyo Dhabar Dalaal 

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Adan Oo Shirgudoomiyaha Furitaanka Kalfadhiga 75aad Ee Golaha Guurtida Oo Mudanayashii Kasoo Qaybgalay Kalfadhiga Ka Codasayn In Laga Qayb Qaata Daminta Colaadaha Shidan Iyo Dhabar Dalool, Waxanu Balan Qaaday Inay Tagi Doonaan Si Ay Qayb Uga Qaataan Nabadaynta Labada Beelood Ee Dirirtu ku Dhexmartay Deeganadaasi.

Gudoomiyaha Oo Hadalkiisa Sii Waata Ayaa Sidoo Kale Walaac Ka Muujiyey Wada Shaqayntii Ka Dhaxaysay golihii hore ee wakhtigiisu dhamaaday ,Waxau Sheegay In Kuwa Hadda La Doorta Ay U Gudbin Doonaan Xeer Hoosadka Golaha si ay u soo celiyeen wada shaqayntii labadii laba gole barlamaan.

Dhinaca Kale Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Adan Ayaa Shirgudoominayay Kalfadhiga 75aad Oo Ay Kasoo Qaybgalay 53 Mudane Ayaa Ka Codaysan Inay Cod Gacan Taag Ah U Qaadan Ansixinta Ajandaha 75aad Ee Golahooda Horyaala.

Waxa U Codeeyey 52 Mudane Gudoomiyuhuna Ma Codayn Sidaana Waxa Lagu Meel Mariyey Ajandaha Kalfadhiga 75aad Ee Golaha Guurtida Horyaala.

Ugu danabayn hadalka golaha guurtida ay kaga hadleen coladaaha ka tagan gobolka sool iyo sanaag ayaa iminaya in wakhtigan aanay wax xiisad colaadi ka jirin deeganaasi, balse deeganada shidan iyo dhabar dalool oo colaadahii ka tagnaa ay sababeen khasaare nafeed oo dhexmaray beelaha wadda deegaankaasi oo aan ilaa hadda xal waara aan laga gaadhin.

https://www.premierbank.so/