https://www.premierbank.so/

Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in la joojiyo weerarada Israa’iil ku heyso Falastiiniyiinta

Wasiiru-dowlaha arrimaha debadda Xukuumadda somaalia Balal Cusmaan ayaa ka qeyb galay shir gaar ah oo guddiga fulinta ururka iskaashiga Islaamka heer wasiir arrimo debadeed ay kaga doodayeen duulaanka Isra’iil ay ku qaaday dhulka reer Falastiin, gaar ahaan magaalada Barakeysan ee Qudus iyo howlaha rabshadaha wata ee laga geystay hareeraha masjidka Al-Aqsa

Shirka oo ku qabsoomay habka fogaan arraga ayaa waxaa uu ka yimid baqortooyada Sacuudiga oo ahaa shir guddoon shirkaan wasiir Balal ayaa waxa uu ka jediyay qudbad uu kaga hadlay sida Soomaaliya ay uga go’antahay in xal loo helo arrimo Falastiin.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha debadda XFS ayaa sheegay in qadiyadda Falastiin iyo tan masjidka Al-Aqsa ay tahay Mudnaanta koowaad ee dalalka Muslimiinta ah

qoraal kasoo baxay Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa sidan u dhignaa ”dowlada somalia waxaa ay baaqeeda ku biirineysaa dalalka Islaamka si loo joojiyo dhibaatadda Isra’iil ay ku heyso dhulka iyo dadka reer Falastiin, ayada oo la ilaalinayo xaquuqda dadka reer Falastiin Madaxbanaaninooda,

Wasiirka ayaa sidoo kale ka codsaday bulshada caalamka inay qaadaan mas’uuliyadooda ku saabsan baahida loo qabo in la joojiyo weerarada Israel ay ku hayso dhammaan dhulalka Falastiiniyiinta, lana ixtiraamo sharciyada iyo qawaaniinta caalamiga ah iyo in la soo celiyo xuquuqda dadka reer Falastiin oo ay ku jiraan xorriyadaha diineed

Ugu danbeyn qoraalka dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay sii waddi doonto taageerida xalka labada dowladood, oo ku saleysan xuduudaha caalamiga sido kalena Israel iyo falastiina ay noqdaan labo dowlad oo madaxbanaan ayna kuwada noolaadaan nabad, amni iyo is aqoonsi labada dhinac ah.

Waxaa mudooyinkii danbo isa soo taraye baaqyada loo diraye israil ee ku saabsan iney joojiyaan dhibaatooyinka ay ku hayaa dadka reer falastiin hadalkan ayaa kusoo aadaya iyada oo dowlado badan oo islaam ah ay ugu horeysa dowlada turkiga uga digtay israil iney joojiso gumaadka ay ku hayaan dadka reer falastiin

https://www.premierbank.so/